Conde Wuxuu Biixi Kula Taliyay In Uu la xidhiidho Puntin

0
Conde Wuxuu Biixi Kula Taliyay In Uu la xidhiidho Puntin

Conde Wuxuu Biixi Kula Taliyay In Uu la xidhiidho Puntin
Madaxweynaha dalka Gini Mr Alpha Conde ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kula taliyay in uu xidhiidh diblamaasiyadeed la yeesho madaxweynaha Ruushka Mr Vladimir Putin.

Wargeyska Geeska Afrika oo soo xiganaya wargeyska siraha faafiya ee Indian Ocean ayaa sheegay in Mr Alpha Conde u soo jeediyay Mr Biixi in uu taageero siyaasadeed qaddiyadda Somaliland uga raadiyo dawladda Ruushka.

Wargeysku waxa uu sheegay in Zhongn Jianhua oo sanadihii 2012-2016 madaxweynaha Shiinaha u qaabilsana arrimaha Afrika haddana madaxweynaha Ruushka kala taliya amuuraha Afrika uu hadda madaxweyne Biixi la wado hawlo ku saabsan xidhiidh dhexmara Somaliland iyo Ruushka gaar ahaana saldhig dawladda Ruushku ku yeelato Somaliland.

Marar badan ayaa warbaahinta Caalamku warisay arrimo ku saabsan in dawladda Ruushku si weyn u danaynayso saldhig Militari oo ay ku yeelato Somaliland.

Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn uga cadhootay socdaalka Biixi ee Gini iyada oo lala xidhiidhiyay laba qodob oo ah in ay ka shakiday in Imaaraadku ka dambeeyay safarka Biixi iyo in xidhiidh loo wado Biixi la yeesho Ruushka.
Dalkee Somalia Ku Tuhmaysa Fududaynta Safarkii Gini
Somalia Oo Weedho Qalafsan Ku Soo Gantay Somaliland

Sayruuqnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.