Coldoon Oo Xabsiga Ugu Waramay Wariye Cabdiqaadir

0
Coldoon Oo Xabsiga Ugu Waramay Wariye Cabdiqaadir

Coldoon Oo Xabsiga Ugu Waramay Wariye Cabdiqaadir

Waxaa qoray Abdiqadir Cisman Dubad

Waxa aan shalay oo ay taariikhdu ahayd 2/1/2020 ku booqday xabsiga dhexe ee Hargeysa saaxiibkay Cabdimaalik Sh.Muuse Coldoon oo xidhnaa tan iyo bilowgii sanadkii hore . Wuu caafimaadqabay ilaahay mahaddii weeye. Inkasta oo lagu xukumay saddex sanadood iyo lix bilood oo xadhig ah haddana Cabdimaalik kama ay muuqan wax niyad jab iyo warwar ah , waxa uu igu qaabilay dhoollacaddayn waxaanu igu sagootiyey dhoollacadayn iyo kaftan qosol wehelinayo.maadaama oo uu Coldoon saaxiibkay yahay oo aan si fiican u aqaano waxa aan hubaa in uu dhoollacadayntiisaa iyo qosolkiisaa ku qarinayo murugadiisa.

Saaxiibkay waxa uu ii sheegay in uu tan iyo ramadaantii af carabiga u dhigayey maxaabiista jeelka isaguna uu qur’aanka qaybo.

Mar aan la soo qaaday in uu hiil ka helay dhinaca beeshiisa waxa uu iigu jawaabay : (Tolkay waxa iga soo gaadhay war ah in ay yidhaahdeen “Barnaamijkiisii samafalka ahaa ee [KAALMEE KUWAN ]waxba nagama uu soo gaasiin jirin oo waxa uu ku kaalmayn jiray reerka la yidhaahdo Habarjeclo ee kuwaasi wax ha u qabtaan ” ).

Aniga oo ah Cabdiqaadir Cismaan Dubbad oo Cabdimaalik kala shaqayn jiray barnaamijka kaalmee kuwan iyo warbaahintaba,waxa aan ka makhraati kacayaa in uu ahaa Coldoon nin qabyaaladd ka huffan oo dadka ku caawin jiray Ilaahay dartii iyo sida ay u kala baahibadanyihiiin oo aan u eegi jirin qofka uu caawinayo qabiil iyo magac toonna. Waxa intaa raaca in ay jiraan tobanaan muuqaal oo caawimo ah oo aannaan muqaaladooda baahin.

Waxa kale oo uu igu yidhi coldoon : Anigu dan guud oo umadda ka dhaxaysa ayaan ka hadlijiray oo la igu soo xidhay, wax gaar ah oo aan si gaar ah ii gubayey ma uu jirin .

Waxa kale oo aan waydiiyey Coldoon : Soomaaligalbeed wax garab ah ma ka heshay ? Waxa uu ku jawaabay : (MAYA,marka laga reebo qof qof ii soo booqday oo ii muujiyey garab ) waxa uu coldoon intaa ii raaciyey oo yidhi 😞 Dee uguma aan hiilin jirin in ay ii hiiliyaan laakiin waxa aan ugu hiilin jiray shacbka soomaaligalbeed in ay ka baxaan dulmiga taliska Itoobiya ee adeegsanayey taliskii Cabdi iley ee daalimka ahaa , waxaanan gutay waajib iga saarnnaa ).

Aniga oo ah Cabdiqaadir Cismaan Dubadoo ah coldoon saaxiibkiisii ugu dhawaa waxa aan mar labaad ka makhraati kacayaa in uu saaxiibkay Coldoon haliso waaweyn u galay arrinka Soomaaligalbeed.

La soco qaybta 2aad .

Cabdiqaadir Cismaan Dubbad.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.