Coldoon Oo Xabsiga Farriin Ka Soo Diray

0
Coldoon Oo Xabsiga Farriin Ka Soo Diray

Coldoon Oo Xabsiga Farriin Ka Soo Diray
29-8 2019 maalin jimce ah ayaan Safar Kaga Soo Baxnay hargeysa annaga oo ujeedkayagu ahaa inaanu xabsiga Mandheera kusii booqano saaxibkay Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxa safarka igu wehelinaya Cabdilaahi Cabdikariim iy Dr. Xareed oo aannu iska raacnay magaalada Burco.

11:30pm ayaanu gaadhnay jeelka mandheera, markii aanu xabsiga kadinkiisa gaadhnay sidii sharciga ahayd waa nalla baadhay, askarta goobta ku sugnayd si sharaf iyo ixtiraam leh ayay noola dhaqantay, intaa ka bacdina hore ayaanu u soconay oo goob ayaa nala fadhiisiyay, wax yar ka bacdina waxa noo yimi Cabdimaalik oo khamiis cad xidhan oo askari la socdo, salaan ka bacdina kursi naga soo horjeeda ayuu fadhiistay, isagoo wajigiisa ay ka muuqato debecsanaan iyo degenaan

Qodobadii cabdmaalik noo sheegay waxaa ugu mihiimsanaa.

1: inuu uu caafimaad qabo, wax dhib ahna aanu jeelka kala kulmin.

2:Inuu dib anbiil u qaatay oo uu la balansanyahay qareenadiisii oo uu rajeynayo inuu cadaalad helo.

3: Cabdimaalik, wuxu noo sheegay dhamaan weriyeyaasha kalana in ay ciqaabtan oo kale ay mari doonaan hadii aanay tiisa ka biyo diidin.

4: in dhamaan asxaabtiisii ay isku mihnada ahaayeen khaasatan asxaabtiisii reer burco ay dayaceen, gaabisna ay ka muujiyeen siduu cadaalad u heli lahaa.

5: C/maalig wuxu noo sheegay in jacaylka burco jacayl uu uqabo darteed loo xidhay maadaama uu helay meelo uu amni ahaan ku noolaan karo.

6:waxa uu fariin usoo diray dhaamaan reer burco oo uu ku dhaartay inuu jecelyahay, in ay hormuud u noqdaan siduu cadaalad u heli lahaa maadama ay tahay magaaladaydii

7:cabdimaalik Wuxu Sheegay in Aan Ururka Solja Lagu Halayn Oo shacab iyo Suxufiyiinba Ay u gurmadaan

Gebagebadii Ka ibraahim ahaan waxan ku baaqayaa in bulshawaynta reer burco ay iska kaashadaan sidii Cabdimaalik Muuse Coldoon cadaalad u heli lahaa.

Waxa Qoray: Ibraahim Faarax Macaaneeye.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.