Coldoon Oo Sheegay In Boolis Burco Ka Raadinayo

0
Coldoon oo markale loo maxkamadeeyay cabiraada aragtidiisa.

Coldoon Oo Sheegay In Boolis Burco Ka Raadinayo
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhawaan ku soo laabtay magaalada Burco ayaa sheegay in ciidamada boolisku ku raad joogaan kana raadinayaan magaalada Burco.
Coldoon oo dhawaan ku soo laabtay Burco kadib muddo uu joogay gobolka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in aanu hubin in xukuumaddu ka tanaasushay xadhig lala damacsana oo uu markii hore Burco uga cararay.

Qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay ayaa u dhigan sidan:-

Xalay illaa maanta ciidamo boolis ah ayaa naga raacdaynaya gudaha magaalada Burco.
Carwo gaadiidka kiraysa oo Burco ku taal oo uu saaxiibkay ka kiraystay dorraad gaadhi waa la xidhay ninkii carwada ka masuulka ahaa , oo waxa lagu xidhya saldhiga dhexe , gaadhigiina booliska ayaa la wareegay,sababta loo xidhayna waxa weeyey waxa laga rabaa in uu sheego meesha uu ku suganyahay qofka gaadhiga ka kiraystay.

Kuwa na raadinaya waxa aanu ku leennahay si cad ha ugu sheegaan umadda waxa ay naga rabaan oo wado sharci ha soo maraan oo dacwad sharciga waafaqsan ha nagu soo oogaan hadii ay wax naga tirsanayaan diyaar baanu u nahaye ,umadduna marag ha ka noqoto , balse ma yeelayno budhcadnimo iyo afduub.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.