Colaaddii Soomaalida Iyo Oromada Oo Heshiis Laga Gaadhay

0

Jigjiga(Sayruuq) Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Dawlad degaanka Oromada ayaa heshiis ka gaadhay colaaddii u dhexaysay kadib markii 12-kii bishii September dad Soomaali ah lagu xasuuqay magaalada Hawaday ee gobolka Oromada. Arrintan ayaa dhalisay in ay tobanaan kun oo Oromo ah ka qaxaan dhulka Soomaalidu degto iyaga oo ka cabsanaya falal aargoosi ah.

Kulan Khamiistii magaalada Diridhaba ugu soo xidhmay madaxda labada maamul iyo dawladda Federalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in laga heshiiyay colaadda labada dhinac islamarkaana dadkii barakacay ku noqdaan goobahoodii hore.

“Waxa la go’aamiyay oo la soo jeediyay in la soo dhaweeyo ciddii(Oromadii) ka tagtay magaalada Jigjiga, islamarkaana hantidii iyo guryihii ay ka tageen lagu wareejiyo taas oo ay markii horeba guddi gacanta ku haysay, sidaasna ay ugu noolaadaan sidii ay awal horeba ugu noolaayeen,” Sidaas ayuu yidhi duqa magaalada Jigjiga Ibraahin Maxamuud Mubaarik oo BBC-da u warramay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhammaan dadka Soomaalida ah ee ganacsiyada ku leh ama degenaa carriga Oromada ay haatan ku noqon karaan goobahooda arrintaasna ay tahay mid dawladda Federalka Itoobiya go’aamisay labada maamulna aqbaleen. Waxa uu sheegay in aan cabsi laga qabin in dadka soo noqonaya ee Oromada ah dhib loo gaysto.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.