“Colaadaha ka Taagan Yemen waa Kuwa Khatar Weyn ku ah Waddamada Gobolka”

0

Jabuuti (Sayruuq)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Mr. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in colaadaha ka aloosan waddanka Yemen isu beddeli karaan dagaallo sokeeye oo saamayn weyn ku yeesha nabadgelyada dalalka mandaqadda.

Geelle

 Madaxweyne Geelle oo waraysi siiyey wakaaladda wararka ee AFP waxa uu xusay haddii xaaladda Yemen isu beddesho dagaallo sokeeye in taasi  kooxaha AQAP ee Al-Qaacida fursad u siiso inay khatartooda ku sii xoojiyaan waddamada Bariga Dhexe iyo weliba dalalka Geeska Afrika ee deriska la ah dalkaas.

Waxa kaloo uu sheegay in colaadda Yemen saameyn ku yeelan karto dalkiisa, isagoo cabsi xooggan ka muujiyey in dagaallada u dhexeeya kooxaha Shiicada iyo Sunniga dalkaasi u sii gudbi karaan waddamo kale.

“Kooxda AQAP waxay fursad ka dhex-raadinaysaa xiisadaha ka taagan dalka Yemen ee u dhexeeya Shiicada iyo Sunniga; taasoo abuuri karta inay dhex-dhigto shacabka Yemen colaado diimeed oo aan hore ugu dhexeyn,” ayuu yidhi Geelle.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jabuuti waxa uu soo dhaweeyay duqeymaha cirka ee isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo ku hayaan dagaalyahannada Xuutiyiinta Shiicada ah ee gacanta ku haya inta badan waddanka Yemen, isagoo ka digay in dagaalku isu beddelo mid sokeeye oo cawaaqib xun dhaliya.

Colaadaha ka taagan Yemen ayaa kumannaan qof ku qasbay inay dalkooda ka cararaan, kuwaasoo gaadhay waddamada Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya oo ay daris ka yihiin dhinaca biyaha Badda Cas.

Colaaddan Yemen

“Xuduudaha dalkayagu weli waa u furan yihiin inay dadka Yemen ka soo cararaya soo maraan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti oo ay biyaha Yemen u dhexeyso masaafo dhan 30km oo keliya.

“Qoxootiga Yemen kasoo cararaya ee ku soo qulqulaya Jabuuti waa kuwii saddexaad, kaddib qoxootigii halkan (Jabuuti) soo gaadhay sannadihii 1986-kii & 1994-kii oo ay colaado ka dhaceen Yemen.”

Dhinaca kale, Madaxweyne Geelle ayaa soo dhoweeyey Shiinaha oo noqday dalkii afraad ee saldhig millateri ka samaysta Jabuuti.
“Shiinuhu wuxuu halkan keensanayey ganacsiyo badan tobankii sanno ee la soo dhaafay. Sidaa awgeed, dawladda Shiinuhu waxay doonaysaa inay danaheeda ilaashato, dhankayagana waannu ku soo dhaewynaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Ismaaciil Cumar Geelle.

Dawladda Shiinaha ayaa ka wadda dalka Jabuuti mashaariic kala duwan oo horumarineed, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhisme deked cusub, garoon diyaaradeed iyo dhisamaha waddo tareen.

Jabuuti waxa saldhigga ciidan ee ugu weyn Afrika oo lagu magacaabo LEMONNIER ku leh Maraykanka, kaasoo ah ku sugan yihiin ciidammada ugu badan ee Ameerikaanka ka jooga qaaradda Afrika.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.