Cod Sir Ah: Qadar Baa Ka Dambaysay Qaraxii Boosaaso

0
Cod Sir Ah: Qadar Baa Ka Dambaysay Qaraxii Boosaaso

Cod Sir Ah: Qadar Baa Ka Dambaysay Qaraxii Boosaaso

Warbixin dheer oo wargeyska dalka Maraykanka ka soo baxa ee New York Times Isniintii shalay daabacay oo uu kaga hadlay faragelinta ay Soomaaliya ku hayaan dalalka Carbeed ayaa qayb ka mid ah lagu sheegay in Qadar ku lug lahayd Qarax bishii February lagu dilay madaxii shirkadda reer Imaaraad ee DP World ee dekedda Boosaaso.

Wargeysku waxa uu sheegay in cod laga duubay wada hadal telefoon oo dhexmaray safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya iyo ganacsade reer Qadar ah lagu sheegayo in Alshabaab oo fulinaysa danaha Qadar meeshana ka saaraysa danaha Imaaraadku fulisay Qaraxii lagu dilay madaxa shirkadda DP World ee Boosaaso.

“Wada hadal telefoon oo dhexmaray danjiraha Qadar ee Soomaaliya iyo ganacsade si fiican ugu xidhan oo Qadari ah ayaa waxa uu leeyahay Kooxda Alshabaab ayaa metelaysa Qadar si ay meesha uga saarto Imaaraadka iyo danahiisa,” sidaas ayaa warbixinta lagu sheegay.

Haddii hadalka Ganacsadahan reer Qadar Mr al-Muhanadi sax yahay waxay taa macnaheedu tahay in dawladda Qadar fulisay weerarka argagixiso ee Boosaaso ka dhacay inkasta oo ay Soomaaliya kala shaqayso la dagaallanka Argagixisada.

Sida wargeysku ku waramay Afhayeen u hadlay dawladda Qadar wuxuu sheegay haddii xaqiiqo ay yihiin arrimaha lagaga hadlay codka la hayo in aanay taasi ka turjumayn habdhaqanka siyaasadda arrimaha dibadda ee Qadar cidda sidaasi u shaqaysayna aanay metelayn dawladda Qadar.
Report: Secretly recorded phone call suggests Qatar link in Somalia attack

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.