Ciyaartoyda Somaliland Oo Calanka Tawxiidka Leh Iyagoo Babinaaya Baarashuud Ku Dulmaray Magalooyinka Abkhazia.+SAWIRRO

0

Kooxda Ciyaaryahanada Somaliland iyo masuuliyiintooda ee ka qayb galaayay Ciyaarihii dalalka aan la aqoonsanayn ee lagu qabtay waddanka Abkhazia ayaa cirka kala soo deggay iyagoo baalashuut ku duulaya, calanka Jamhuuriyada Somaliland, xili ay ku gudo jiraan safarkooda soo guryo noqoshada ah.

image image
Xiddigaha sanadkan Xulka qarankeena metelayay ee ka qayb galay tartanka koobka aduunka wadamada aan la aqoonsanayn ee Conifa 2016 , ayaa lagu marti qaaday inay dhoolatus cirka ah ka qayb galaan, waxaanay hawada sare ka soo degayeen iyagoo sita calanka jamhuuriyada Somaliland ee midabada Saddexda ah , xidigta iyo Tawxiidku astaanta u yahay.
image image image
Somaliland, waxay ku hadhay heerka Group ka , ama hormaynta, waxaanay la soo guryo noqonayaan iyagoo sida halyeyada loogu soo dhaweynayo dalkooda hooyo caasimadiisa Hargeysa, shacabkiina sugi la’yahay.
Hadaba daawo, sawirada qaar kamid ah ciyaaryahanada Somaliland oo callankoodii huwan, kuwaas oo dul sabaynaya wadanka Marti galiyey ee Abkhazia magaalooyinkiisa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.