Ciyaartoy Caan Ah Oo Ka Qaracmay Cunsuriyad

0
Ciyaartoy Caan Ah Oo Ka Qaracmay Cunsuriyad

Ciyaartoy Caan Ah Oo Ka Qaracmay Cunsuriyad

Mario Balotelli oo wata kubadda, islamarkaana ciyaartu socota ayaa gacanta ku qaatay kadibna ku laaday taageerayaal ku orinayay waxaanu isku dayay in uu iskaga baxo garoonka balse maslaxaad iyo raalli gelin ay sameeyeen ciyaaryahannada garoonka ku jiray iyo maamulka ayaa sababtay in uu ciyaarta sii wato.

Balotelli oo kooxdiisa laga badiyay ayaa daqiiqadii 85-aad dhaliyay gool uu kubadda cadho laaday laakiin, ma dhicin ay kooxdiisu baraajayso iyada oo lagu lahaa laba gool waana markii labaad ee ay todobaad ka dhacdo cunsuriyad horyaalka Talyaaniga.

Arrintan dhacday daqiiqaddii 54-aad ee ciyaarta ayaa sababtay in muddo ciyaarta la joojiyo si arrinta xal loogu helo.

Mario Balotelli ayaa bartiisa  Instagram ku sheegay in ay tahay in ay isku xishoodaan dadkii sida daanyeerka uga qaylinayay taarabuunka waxaanu u mahadceliyay cid walba oo ka dambqatay cunsuriyadda lagula kacay.

Garsooraha ciyaarta Maurizio Mariani ayaa markii Balotelli lagu qanciyay in uu ciyaarta sii wado waxa uu taageerayaasha u diray ishaaro ah in uu joojin doono ciyaarta haddii ay sii wadaan qaylada cunsuriyadaysan.

tababaraha kooxda Hellas Verona Mr Ivan Juric ayaa ku dooday in aanu arkayn wax cay ama cunsuriyad ah oo lagula kacay Balotelli marka laga reebo foodhi iyo foorjayn ka dhan ah ciyaaryahan caan ah taas oo aalaba dhacda. waxaanu difaacay taageerayaasha kooxdiisa.

Laakiin, wax ka soo baxay masuuliyiinta kooxda Brescia ee Balotelli u ciyaaro ayaa lagu cambaareeyay hadalka tababaraha kooxda Verona, waxaanay sheegeen in hoos u dhigayo ama daboolayo arrinta murugada leh ee taageerayaasha kooxdiisu sameeyeen oo berri ka maalin cid walba ku dhici karta.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.