Cirro Oo Ka Hadlay Sida Looga Kasbaday Prof. Samatar Oo Uu Quudareynayay Inuu Ku Biiro WADDANI

0

Hargeysa (Sayruuq)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo ku biiristii xisbiga Kulmiye ee Prof: Axmed Ismaaciil Samatar.

Guddoomiye Cirro oo ku sugan wadanka Sweden ayaa waxa kale oo uu ka waramay wada hadallo hore u dhex maray isaga iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, kuwaasi oo natiijadoodu ku soo gabagabawday rajo la’aan.

“Waxay ila tahay xisbi ayuun buu ku biiri lahaa, saddexda xisbi mid ka mid ah sida uu sheegay, Axmed-na si wanaagsan ayaanu u wada hadalnay meel wanaagsan ayaanu wax isla dhignay laakiin go’aanka kama dambaysta ah shakhsiga ayaa iska leh, markaa inuu siyaasada Somaliland ku soo biiray waan soo dhawaynayaa,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro oo u warramay HCTV.

Sidoo kale gudoomiye Cirro ayaa ka gaabsaday inuu si faah faahsan uga hadlo qodobada ay ka wada hadleen Prof. Samatar waxaanu yidhi “Waxay ila tahay inaan halkan looga baahnayn wax badan oo faah faahin ah, masuul ayuu ahaa waxaanan u wada hadalnay si ay masuuliyadi ku jirto, damaciisa ayaanu ka wada hadalnay, markaa ikhtiyaarka iyo go’aanka kama dambaysta ah qofka ayaa iska leh.”

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegtay inuu Gobolka Awdal kaga taageero badan yahay xisbiga KULMIYE, hase yeeshee ma uu sharaxin sida uu uga taageereyaal badan yahay. “Awalba waanu isku haynay gobolka, waxaan is leeyahay annaga iyo Kulmiye ku wada tartami maynee gobolku Waddani ayuu taageersan yahay.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.