Cirro Iyo Faysal Oo Ku Gacan-saydhay Madaxweyne Biixi

0

Cirro iyo Faysal guddoomiyeyaasha Waddani iyo UCID ayaa ku gacan-saydhay madaxweyne Biixi oo dalbaday in ay kulan la qaataan.

Sida uu ku warramay wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ka soo baxa waxa uu madaxweyne Biixi qoraal rasmi ah u diray labada hoggaamiye ee mucaaradka kaas oo uu kaga dalbaday in ay maanta sagaalka Subaxnimo ka soo qayb galaan kulan uu kula yeesho Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa kulanka ku tilmaamay mid lagu xallinayo khilaafka ka dhashay Guddida Doorashooyinka iyo Muddo kordhinta Baarlamaanka laakiin, waxa kulankaasi diiday Guddoomiyeyaasha Mucaaradka Cirro iyo Faysal.

Daawo: Madaxweyne Biixi Oo Farriin U Diray Cirro iyo Faysal

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo la filayo in wefti culus oo ka socda dalalka doorashooyinka taageera imanayaan magaalada Hargeysa. Dalalkan ayaa hore u soo saaray qoraal adag oo ay kaga hadlayaan khilaafka madaxweyne Biixi iyo mucaaradka.
Eng Faysal Oo U Jawaabay Madaxweyne Biixi
Wali waxa indhaha lagu hayaa guddida dhexdhexaadinta oo ku hawlan isu soo dhawaynta dhinacyada inkasta oo loo arko in madaxweyne Biixi ka cago jiidayo in guddidaasi xalliso arrimaha la isku mari la yahay.
Xafiiska UN Oo 18 May Ku Daray Maalmaha Fasaxa
Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.