Cirro & Cabdillaahi Darawal Oo Hadalo Is Waydaarsaday

0
Cirro & Cabdillaahi Darawal Oo Hadalo Is Waydaarsaday

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo Siyaasiga Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Cabdillaahi Darawal) ayaa maanta madal isku waydaarsaday hadallo siyaasi ah.

Cirro & Cabdillaahi Darawal Oo Hadalo Is Waydaarsaday
Musharraxiinta Xisbiga WADDANI ee Wakiillada Maroodijeex, Hargeysa iyo Balligubadle

Siyaasiga Cabdillaahi Darawal oo hadal ka jeediyay madal lagu shaacinayay musharraxiinta Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka Hargeysa iyo Balligubadle ee beeshiisa oo xisbiga Waddani ka sharraxan ayaa tilmaamay in aanu xisbiga ka mid ahayn laakiin, Xisbigu yahay mid aan la kala lahayn oo ciddii tagtaaba aanay ka dareemayn in cidi ka leedahay, isaga oo si dad-ban u tilmaamay in arrintaasi ku suuro gashay hoggaaminta Cabdiraxmaan Cirro.

 “Anigu Xisbiga WADDANI kuma jirin laakiin, waxaan ogahay intiinii hore ugu jirtay Xisbiga iyo intiina hadda ka daba tagtayba in aydaan ku qaloonayn, xogogaal baan u ahay ragga jooga oo waa saaxiibaday markaa in aydaan ku qaloonayn baan ogahay, in aad si fiican isula qabsataana waan ku rajo weynahay,”  ayuu yidhi Cabdillaahi Darawal

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkaasi daba socda ayaa Cabdillaahi Darawal ugu baaqay in uu Xisbiga ku soo biro “Barigii ay igu soo dhacday in aan Xisbiga sameeyo  Cabdillaahi Darawal ayaan u tegay oo aan ku idhi igala qayb-qaado wuu ka cudur daartay, markii uu imika halkan ka hadlayay Ayaan islahaa wuxuu odhan xisbiga WADDANI waan ku soo biiray, laakiin waxaan leeyahay saaxiibkay Cabdilaahi Darawal fursadda Saddexaad yaanay ku seegin,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Cirro & Cabdillaahi Darawal Oo Hadalo Is Waydaarsaday
Cabdillaahi Darawal

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.