Cilmibaadhistii Hilibka Cas!!

0

Cilmibaadhistii Hilibka Cas!!

Cilmibaadhis caalami ah ayaa daaha ka fayday in cunitaanka hilibka cas iyo waxyaabaha laga sameeyo ayna khatar ku ahayn caafimaadka dadka. Khubarada cilmibaadhista sameeyey ayaa kula taliyey dadka caafimaadka qaba inay cunaan hilibka iyo waxyaabaha laga sameeyo.

Cilmibaadistan oo sida muuqata ka horimanaysa waxyaabihii hore looga aaminsanaa hilibka cas ayaa waxaa soo saaray koox khubaro ah kaddib markii ay daalacdeen cilmibaadhisyo badan oo hore looga diyaariyey khataraha ku gadaaman hilibka cas.

Kooxda baadhitaankan sameeyey oo uu hoggaaminayo Khabiir ka socda Jaamacada Dalhousie oo ku taalla Kanada ayaa sheegay inay cilmi baadhistooda ku ogaadeen inuu aad u liito xidhiidhka ka dhexeeya cunista hilibka cas iyo inay qofka ku dhacaan xanuunnada Wadnaha, habdhiska wareegga dhiigga, kansarka iyo macaankaSi kastaba ha ahaatee, hay’adda caalamiga ah ee baadhitaanka kansalka ayaa hore u sheegtay in hilibka cas (Lo’da, adhiga, iyo doofaarka) uu qofka ku keeni karo kansal.

Balse diraasad hore oo ay samaysay Dr. Sayidaat C.Majiid oo Sacuudiyaan ah ayaa daaha ka fayday in duxdu aad ugu yartay hilibka geela. Duxda ku jirta hilibka Geela ayaa lagu qiyaasa wax aan ka badnayn boqolkiiba laba (2%),

sidaasna waxaa ku yaraada suurta-galnimada xanuunnada Wadnaha. Culimada hirgeliyey cilmibaadhistan ayaa dib-u-eegis ku sameeyey diraasado hore oo laga sameeyey baabkan kuwaas dhammaantood ka digay khatarta caafimaad ee hilibka cas.

Haddaba kaddib markii ay u kuur galeen hanaankii loo raacay cilmibaadhisyahaas ayaa waxa u soo baxay natiijo ah in haddii qofku aanu ka badsan isticmaalka hilibka cas 4 jeer toddobaadkii ayna taasi wax khatar ah ku keenaynin caafimaadkiisa.

Cilmi baadhayaashan oo isu miisaamay khatarta caafimaad ee hilibka iyo saruurrada (xaraaradda hilibka) ku dhici karta qofka markuu hibilka joojiyo ayaa ku talay in qofka caafimaadka qabaa iska cuno hilibka cas. W/T: Aljazeera.net.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.