Ciidanka Somaliland Oo Qabtay Nin Laga Shakiyay

0

Ciidamada Somaliland ayaa qabtay nin laga shakiyay kaas oo galay goobta lagu Tababaraayo dhalinyarada loo Carbinaayo barnaamijka shaqo Qaran ee deegaanka Dararweyne ku sugan.

Ninka ayaa gashaday Dirayska ciidamada oo ay ku xardhan tahay derajada Kabtan.

Waxa uu watay gaadhi mark 110 ah, waxana Salaan siiyay ciidamada iyo dhalinyarada goobta ku sugnaa.

Qaar ka mid ah ciidamada ayaa ka shakiyay ninkan waxana la waydiiyay qaybta uu ka tirsan yahay isagoo sheegtay ciidamada madaxtooyada balse waxa uu garan waayay su’aalo laga waydiiyay.

Aakhirkii waxa la ogaaday in uu Derajada iyo Dirayskaba nin ka soo xaday, xabsiga ayaana loo taxaabay.

Weli lama sheegin ujeedka ninkan, baadhitaan ayaana socda.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.