Ciidan Camay Ka Kaxaystay Buuhoodle Oo Somaliland Ku Soo Noqday

0
Ciidan Camay Ka Kaxaystay Buuhoodle Oo Somaliland Ku Soo Noqday

Ciidan Camay Ka Kaxaystay Buuhoodle Oo Somaliland Ku Soo Noqday

Laascanood (Sayruuq)-Ciidan kasoo goostay maamulka Garoowe oo wetay hub iyo gaadiid, ayaa lagu soo dhaweeyey Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland ee Duleedka Magaalada Laascanood, iyagoo sheegay inay kusoo biireen Ciidanka Qaranka Somaliland..

Sarkaalkii wetay Ciidankaa kasoo goostay maamulka Garoowe ee war-baahinta la haddlay ayaa ka hadlay sababta ay uga soo goosteen ciidanka jaabo-jaabada ah ee Puntaland waxa kamid ahaa  haddaladisii“ Magacayga waxa la yidhaah Maxamed Farax Cali  waxaanu kasoo galnay Puntland, waxaanu ahayn annagu markii hore ciidankii Buuhoodle kasoo raacay ina camay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ciidankaas oo kusoo baxay xabad ayaa socota, taasi oo isu badeshay oo noqotay guryahay Garoowe in la difaaco , taas ayaa annaka na anfici weyday oo aanu kasoo baxnay “.. Ayuu yidhi sarkaal Maxamed Faarax.

Waxa kalene  oo halkaasi ka haddlay saraal sare kamid saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland ee jiida hore, waxaanu yidhi.. “ waxa nagu soo kordhay gaadhigaa iyo inamadaa oo ka yimi meesha la yidhaah God-qaboobe, siyaasadii lahaa ee lagu fushaynayey oo ay wax ka fahmeen, markii horena lagu soo qaaday tolaayee xaalad ah , hadeerna ay fahmeen in aan meesha waxba ka jirine difaaca Garoowe lagu ilaashanayo,meesha ay wax ku leeyihiina ay tahay Somaliland.”

Gunaanadkii waxa halkaasi ka haddlay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland ee aaga Bari ee Ciidanka qa Sareeye Guuto  Cali Barre Xuseen “ waxaan taliska Ciidanka ee Gooja-cadde kusoo dhaweynaynaa ciidan kasoo baxay Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dhalinyaraddaas oo ah kuwii markii hore la marin habaabiyey oo laga kaxaystay Gobolka Sool iyo deegaamadiisa oo Somalilandariin ah ka bacdina kusoo guryo noqday guryahoogii ay xaqa u lahaayeen fahmayna meesha ay joogaan ee ay ku noolaayeen in aanay igu lahayn ee Gurigoodii iyo dalkoodiiba kan yahay dantuna taas ku jirto, waxaan leeyahay waan idin soo dhaweynayna.”

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.