Ciidamda Qaranka Somaliand Oo Ku Ruqaansadey Xuduuda Ay Somaliand La Leedahay Dalka Ethiopia

1

Burco  (Sayruuq)- Warar dheeraad ah  oo ay Warbaahintu ka helayso magaalada Burco ayaa waxaa ay sheegayaan in cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka , Ciidamad  Kamaan doosta  iyo ciidamada gaarka u toobaba baran ee SPU ay ku ruqaansadeen xuduudaha  ay Somaliland la leedahay dalka Ethiopia .

 

Cutabyadan ka tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa waxaa hogaaminayaa Badhisaabka Gobalka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo iyo maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad

Arintan ayaa waxaa ay ka danbeysay ka dib markii ay maalmihii ugu danbeeyey ay isa soo tarayeen tacadiyo ay shacibka rer Somaliland ee teedsan xuduuda Somaliland la leedahay dalka Ethiopia  ay ka tirsanayaan ciidamada Liyuu Police ka  dalka Ethiopia kuwaas oo  wax yeelooyin u gesytay  isla markaana malintii daraad aheyd calanka Somaliland  ku dhex googooyey magaalada Bali-Dhiig halka ay sidoo kalana ay ciidamada Liyuu Police ay dhawaan ku dileen 21 qof  deeganka Gaashamo

Ciidamadan ayaa waxaa ay u anbo baxeen deeganada Xuduudku Maro Ee Balidhiig ,Dhoqoshay Iyo Duruqsi Ujeedada Socdaalkoodana waxaa uu yahay  Sugida Amaanka Xududaha Somaliland Ay La Wadaagto Dalka Ethopia Iyo Xasilada Amaanka Dadka U Dhashay Somaliland Ee Ku Daadsan Xududaha.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegamaysaa xili uu magaalada Hargeysa ku sugan yahiin wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo wasiirul dawlaha arimaha dibada dalka ethopia   isla markaaana uu kulmo madaxtooyada ku wada leeyahiin madaxweynaha Somaliland iyo masulyiinta xukuumadiisa

Comments

comments

1 COMMENT

  1. Dawladda federaalka ee Ethiopia xidhiiddhwanaagsan ayaa inaga dhexeeya weligeenna xaggeenna wax dhibaato ahi kagama imanin, lkn hadda sida wax u socdaan la fahmi waa, ma siyaasaddii Ethiopia ayaa wax iska bedeleen mise wax kale ayaa jira. Ethiopia waxaanu leenahay ,Nimanka budhcadda ee Liyuu Policku waxay nagu xasuuqayaan maxaad Dawladda federaalka ula saaxiibtihiin, haddaba dawladda Ethiopia nimankaas wax ha ka qabato ama anaka ha nagu fasaxdo anakaa abaalkooda marin doona e.
    Waayo siyaasadda aay wadaan waa mid dagaal doon ah oo nabadgelyo xumo aan cidna dani ugu jirin
    abuuraysa.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.