
Ciidamadda Itoobiya oo Qabsaday Dhul badan Oo Tigiree Ah.
Ciidamadda xooga Dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay u kii siqayaan caasimadda Gobolka Tigireega kadib markiia y qabsadeen dhowr magaalo oo gobolkaas ka tirsan, halka Jimciyadda Qarmada midoobay-na ay sheegtay in la filaayo ku dhawaad 200 oo kun oo qoxoonti ah in ay u talaabeen dalka Suudaan.
Militariga dalka Itoobiya ayaa xoojiyay in ay shalay galinkii dambe ku dhow yihiin magaaladda Miqile ee xarunta gobolka Tigree oo dhacda waqooyiga dalka kaasi oo go`doon laga galiyay addunka kadib markii laga jaray isgaadhsiinta.
Hore ayay Militarigu u qabsadeen Magaalooyinka Axom iyo Cadwa sido kale waxay tibaaxeen in ay gacanta ku dhigeen guud ahaan deegaanadda Bariga iyo galbeedka gobolkan kaasi oo bulsada ku dhaqan tirkoobkii u dambeeyay lagu sheegay ku ilaa 5 milyan oo qof kuwaasi oo ka noqonayaa boqolayada 6% tiradda dadka ee Itoobiya oo ah 116 malayuun sida lagu sheegay mareegta world miter.
Wariyaha Telefeeshinka Aljazeera ee Itoobiyaa ayaa mar uu waramayay sheegay in jabahadda TPLF ee Tigireega laga qabsaday 80% dhulkii gobolka intii dagaalkii bilaabmay 5 bishan uu socday.
Hargeisa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com