Ciidamadda Ammaanka Oo Heegan La Galiyay Iyo Dareenada Ka Dhashay Hanjabadii Al-Shabaab U Soo Dirtay Somaliland

0

“Waxaa Sharaf Noogu Filan Inaanu Joogno Meel Hargeysa U Jirta 8 Kilomitir Oo Aanu Sunnaha Rasuulka Ku Faafinayno..” A-lshabaab
Hargeysa (Sayruuq)-Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa heegan buuxa la galiyey ka dib hanjabaad todobaadkan gudihiisii ka soo yeedhay xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia taasoo ay ku sheegeen inay kaliya 8 Km u jiraan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongalaay) oo ka tirsan hogaamiyayaasha sar sare ee Al-shabaab oo farrintaasi hanjbaadda ah u soo diray Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waan la soconaa in Hargeysa looga dhawaaqay inaanay tawxiidka akhrisan Karin dhalinyarada 20 jirka ah ee wiilal iyo Gabdho, laakiin arintaasi ma dhici doonto, Kitaabka Alle iyo towxiidka wuxuu gaadhi doonaa in meel kastaa lagu aqristo xitaa geedaha hoostiisa, annagana waxaa sharaf noogu filayn inaanun joogno meel aan 8-kilomitir ka dheerayn (Hargeysa) inaanu joogno oo aanu tawxiidka iyo sunada rasuulka ku faafinaynaa”ayuu yidhi Fu’aad.
Inkastoo aanay laamaha amniga dawladda Somaliland aanay ka hadlin hanjabaadda Al-shabaab ayaa hadana waxa heegan la galiyey ciidanka Amniga waxaana la adkeeyey dhammaan is-goysyada magaalada iyo waliba baraha kantarool ee magaalooyinka dalka.
Taliyaha Ciidanka Boolis Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa shalay galabtii kula hadlay xarunta booliska saraakiisha ciidamada waxaana uu ku booriyey inay sugaan ammaanka, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Ammaanka ayaanu xoojinaynaa dhammaan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland waa booliska lagu amray inay ammaanka kor u qaadaan oo ay xoojiyaan wax kale oo saa’id ahina ma jiraane ammaanka ayuunbaanu xoojinaynaa” ayuu yidhi taliye Fadal Iimaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.