Ciidamada Qaranka Somaliland oo Gaadhay Degmada Widhwidh.

0

Hargeysa (Sayruuq) Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida Gobolka Sool ayaa shalay waabarigii gaadhay degmada Widhwidh, Ciidanka ayaa la sheegay in ay ujeedada u tageen ay ahayd in ay degmadaasi ka Eryaan Maleeshiyada khaatumo oo ku soo dhawaatay, wararka aanu ka helayno Degmada Widhwidh ayaa tilmaamaya in aanay wax iska horimaad ahi ka dhicin halkaasi, isla markaana maleeshiyada khaatumo markii ay maqleen in ciidamada qaranka Somaliland ku soo fool leeyihiin ay baneeyen deeganadii ay joogeen iyaga oo u kacay dhinaca iyo Buhoodle.

Degmada Widh-widh ayaa hore waxa ugu sugnaa Qayb ka mid ah Ciidamada Qaranka Somaliland, halka kuwa shalay gaadhayna ay sii hoojinayeen.

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa sida caadadu tahay waxay kormeer ku gala bixiyaan Gobolada Somaliland iyaga oo sugaya amaanka Dalka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.