“Cidda Musharraxiinta Xidhay Sharcigay Ku Geftay,”

0

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in cidda xidhay musharraxiinta rasmiga ah ee xisbiyada mucaaradku sharciga ka tallaabsatay, islamarkaana ay tahay in ay degdeg u sii daayaan si ay u sii wataan hawlahooda doorashooyinka.

Cali Guray oo tixraaciyay bayaanka Komishanku soo saaray ayaa yidhi

“Go’aankan Komishanku soo saaray waa mid sax ah oo sharciga waafaqsan. Sharciga waxa ku xadgubay cidda bixisay in la soo xidhxidho musharixiin xilgan ku jirta tartanka doorashada. Marka waa in xoriyadooda loo soo celiyo musharixiinta xabsiga loo taxaabay waa lagu gefay eh. Doorashadana ha laga daayo wixii carqaladwynaya ciddii dembi loo haysto doorashada ka dibba waa lagu soo oogi karaa dacwad hadii lagu cadaynayo iyo hadii kaleba eh,”

No photo description available.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.