“Cidda doonaysa inay xukuumaddan bedeshaanna waxa laga doonayaa inay dedaalkeeda la timaado” Wasiirka Maaliyada Somaliland

0

Hargeysa(Sayruuq)- Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdi-casiis Maxamed Samaalle ayaa sheegay inay ummadda reer Somaliland ay ka kortay xiligii qabyaalladda iyo xag-xagashada wax lagu dooni jiray oo ay u gudbiyeen cahdi ay iyagu gacmahooda ku cuganayaan cidii hoggaaminaysa. Waxaanu axsaabta mucaaridka ah u soo jeediyay inay dariiq wanaagsan ku beegsadaan himiladooda la xidhiidha inay dalka madaxtinimo ka qabtaan.
Wasiir Samaalle waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu Isniintii ku qabtay magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay heerkan ku soo gaadhay inay juhdi u gashay inay ummadda horumarkeeda iyo walaaleynteeda ka shaqayso.

“Waxaan Leeyahay Ummaddan reer Somaliland way ka kortay xiligii qabyaalad lagu kala qoqobi lahaa, way ka kortay xiligii musuqmaasuq lagu kala qoqobi lahaa, waanay ka kortay ummaddu xiligii been loo sheegi lahaa. Waxay gaadhay xiligii Hoggaamiyeyaasha wanaagsan ay iyagu xulanayaan oo doorasho ku dooranayaan, kuwii hore ku doorteen, kuwa dambana ku dooran doonaan doorasho ay u madax-banaan yihiin, taas ayaan qabaa inay tahay ta xukuumaddani halkaas ku soo gaadhay ee horumarka iyo wanaaga ah ta maanta ay ku socotaana waa arrintaas,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

Md. C/Casiis Samaalle oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “Cidda doonaysa inay xukuumaddan maanta bedeshaanna, waxa laga doonayaa inay dedaalkeeda la timaado, looma baahna inay la timaado xag-xagasho, qabyaallad iyo xumaan cidi meel ku gaadhi mayso, cid horena meel kumay gaadhin. Wanaagaas uun baa lagu gaadhi karaa meel, wanaagaas gacmaha ha la isku qabsado. Wanaaguna waxa uu ku yimaadaa innagu (Somaliland) marxalado ayaynu maraynaa ay ummadeennu iyadu wax dooranayso, ummaddu way dhaaftay xiligii tolla’ay yaa ree Hebelaay wax lagu dooni jiray.”

Wasiirku waxa uu waano u soo jeediyay mucaaridka waxaanu yidhi “Markaa qofka doonaya inuu dalkan madax ka noqdaa ha u marro wadada wanaagsan ee uu madaxtinimadaasi ku gaadhi karo oo ah ummadda walaaleynteeda, ummadda isku haynteeda, ummadda is-jeclaysiinteedda iyo ummadda ugu baaqida wanaaga iyo horumarka.”

Wasiir Samaalle waxa kale oo uu shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamkaba ku bogaadiyay farxadda munaasibadda ciidul-fidriga, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu innaga aqbalo acmaashii suubanayd ee aynu soo qabanay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.