Champions League Barcelona oo kabaha la dul martay Bayer Munich

0

Ciyaaraha (Sayruuq News) Tartanka kooxaha ugu tunka wayn ee Yurub ayaa waxay ciyaartan qiimaha badan dhex martay labadda kooxood ee BARCELONA oo dalka Spain ah iyo BAYER MUNICH oo dalka Germany ah,
Ciyaartan oo labadda dhinacba soo bandhigeen ciyaar furan oo labadda dhinacba weerar iyo weerar celin ah ayaa waxa si wayn ugu qayb qaatay oo aan ku tilmaami karnaa ciyaaryahanka Ciyaarta Gool-hayaha Xulka Germany ee ilaalinaya Goolka Bayer Munich Neuer kaas oo badbadiyey Fursado badan oo u dhawaa inay noqdaan goolal kuwaas oo ay soo qaadayeen MESSI/SUAREZ/NEYMAR (MSN).
Dhanka kale ciyaar yahankii hore ee Kooxda Barcelona ee Thiego Alcantara ayaa aad isku muujiyey isagoo khadka dhexe ee ciyaarta si wayn u hogaaminayay khadkaas dhexe oo ay ku wehelinayeey Schweinstiger iyo Alonso oo kooxda Bayer Munich ah,

Markii Ciyaartu socotay Daqiiqadii 77aad ayaa waxa kubad shabaqa Bayer Munich ku hubsaday weeraryahanka kooxda Barcelona Leo-Messi kaas oo gool aad u qurux badan daba mariyey gool haye Manuel Neuer ciyaartana ka dhigay 1-0,

weeraryahan Messi halkaas kuma hadhin waxa uu soo qaaday weerar kale kaas oo uu ciyaarta kaga dhigay 2-0 isagoo kubad aad u qurux badan kor mariyey Neuer daqiiqadii 80aad.

Ciyaartan oo gaba-gabadii ku dhaw ayaa waxa weerar aad u deg dega soo qaaday Neymar oo si sahlan ugu hoos saaray gool haye Neuer taas oo ciyaarta ka dhigtay 3-0 daqiiqadii 93aad ee  wakhtiga dheeraadka ah khatinkii ciyaartuna waxa uu noqday Barcelona oo u dhawaatay Finalka.

Ciyaartan ayaa waxay ka dhigi kartaa in 80% ay Final tagtay Barcelona oo ay sugi doonta Real Madrid iyo Juventus kii soo baxa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.