Ceeb Maaha in Doorashada lagaa Helo! ” Ciidagale Mee Cigaal Waydii” 1969

0

 

Waxay ahayd dabayaaqadii Sanadkii 1969kii bilo yar ka hor inqilaabkii kacaankii Oktoobar, waxa guud ahaan Geyigii Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid ahayd ka qabsoontay doorashooyin guud, waxaana Magaalada Hargeysa ka dhacday doorasho xiiso badan oo dadka Deegaanka Hargeysa ku dhaqani ay ku tartamayeen Lix Kursi.

Hadaba Lixdaas Kursi ee Hargeysa oo lagu helayay qaabka Kooshinka Somalidu u taqaano waxaa helay Lix Masuul oo ka soo kala jeeday Beelaha Sacad Muuse, Arab iyo Isaxaaq iyo Tol-jecle. Waxaanay kala ahaayeen Rabbi ha u naxariistee Xaaji Abu Zite, Xaaji Basbaas, Cumar Carte, Cabdi Jirde Faarax, iyo Dr. Iimaan.

Beesha Ciidagale oo Xarunteedu tahay Hargeysa ayaa wax Kursi ah ka wayday Lixdii Kursi, cid walba yaab ayay ku noqotay Ciidagale ayaa Kursi waayay! Qaadlayaashii iyo Xamaaliintii ayaa ku heesay Ciidagale Mee? Cigaal Waydii …..

Waxa la sheegay dhibtu inay ka dhacday Ciidagale oo Afar Murashax lahaa oo qaybsamay Waxaanay afartaas Murashax kala ahaayeen Rabbi ha u Naxariistee Suldaan Rashiid, Maxamed Oomaar, Cabdiraxmaan Gadhyare iyo Ina diir qadhaadh.

Hadaba iyaga oo Ciidagale madluun yahay oo yaaban ayaa uu dhacday Inqilaabkii 21ka October 1969 halkaasna Albaabada loogu laabay doorashadii iyo kuwii la doortayba.

Oday Ciidagale ah oo gabayaa ahaa ayaa yidhi Allay lehe baga aynu wax wada qabno oo doorashadii baga in la laabo. Odaygaas oo la odhan jiray Jirde Muxumad Tuug oo reer guuleed ahaa ayaa tixdan xifaalaha ah tiriyay waxaanu yidhi:

Nagu leefte Aw-Jaamacow Loolankii Shalaye
Lixdii loo Tartamay Ciidagale Liiti ku ahaaye
Waydinkii laxaha koray ee laydha tiigsadaye
Allaylehe lur baa idin qabsaday laafo lugudkiiye
Sidii Libidhi kacay ama Looyar mid kale liifad kaga qaaday
Allaylehe Laydhkii Casaa ku Shidan Ina Cigaal Doorka maanta ah

Doorashada oo lagaa helo oo Xusbigaaga iyo Murashaxaagu ay dhacaan maaha dhamaadkii Dunida, waa cashar iyo waayo-aragnimo aad baratay, tusaale ahaan Xisbiga UCID iyo Murashaxiisuba waxay dhaceen laba jeer, hadana waa kaas wali xiimaya ee tartanka ku jira wuxuu Alle ka siiyaba. Markaas hala fahmo oo qof kastaa haku xisaabtamo in Xisbigiisu uu dhici karo oo doorashada laga heli karo, hana u diyaar ahaado inuu hambalyeeyo Murashaxa guulaysata.

Aan dib u eegno oo aan Xusuusano Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo in 80 Cod oo kaliya lagaga helay Doorashadii xiligii Dahir Rayaale, Madaxweyne Siilaanyo wuu aqbalay Natiijadii waanuu Hambalyeeyay Dahir Rayaale, ka dib wuxuu dib isu abaabulay doorashadii danbe waanuu ku guulaysatay.

Hadaba Murashaxa waaya doorashada waxa ku waajib ah inuu raaco dariiqa geesinimo ee uu Madaxweyne Siilaanyo inoo jeexay, hana hambalyeeyo Murashaxa Guulaysata.

Somaliland ha Guulaysato

Qalinkii Wasiir Kaysar

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.