Cawaale Aadan Iyo Safarkiisii Somaliland

0
Cawaale Aadan Iyo Safarkiisii Somaliland

Cawaale Aadan Iyo Safarkiisii Somaliland

Qormo mahadnaq iyo bogaadin ah.

-Maanta oo bishan September 3 tahay waxaan u baxaynaa aniga iyo kooxdayda musiga, magaalada Jigjiga ooy noogu xigi doonto magaalada Diridhabe Inshallah, waxaan jeclaaday inaan mahad u celiyo dadkii sharafta badnaa ee magaalooyinka aanu Hargeissa iyo Borama ee aanu ka dhamaanay garab iyo gaadhaanba na siiyay.

1- waxaan mahad balaadhan u celinaynaa Dawlada Somaliland iyo waaxyaheeda kala duwan, madaaxda uugu sareeya iyo laamaha amniga dhamaantood oo si sharaf leh noo soo dhaweeyay, waxaan leenahay mahadsanid walaal qiimo naga mudan.

2-waxaan u mahadcelinaynaa masuulka jabuuti u qaabilsan Somaliland Mr Xusseen Cumar Kawaaliye oo hiil iyo ho ba garab kayaga la taagnaa mudadii aanu joognay Somaliland oo ahayd 3 todobaad.

3- Waxaan mahad balaadhan u celinaynaa shacabkii qiimaha lahaa ee labada magaalaba aanu uugu tagnay ee aadka noo qadarinayay een suuqa hadeeynu u baxno aad dareemaysay jacalka iyo qadarinta eey noo hayaan oo sawir la gal iyo hebel ayaa aad u rabay inuu kula kulmo iyo qado sharaf baanu ku casuunay iyo ku soo dhawoow magaaladaadii markaste inagu lahaa oon leenahay mahadsanid walaalaha qiimaha agtayada ku leh.

4- Waxaan u mahadcelinayaa saxaafadii aadka noo garab joogtay BBC oo Sxbkeey Burmad iyo team kiisa, VOA walaashay Sagal Mustafe iyo team keeda, Tv yada kala ah Horn-Cable, SAAB, bulsho, Eryal iyo waliba Badda cas oo aanu ilaawi doonin dhamaantood.

5- Waxaan u mahadcelineynaa rag iyo dumar intii howshayada dhexda u xidhatay ee kuleel iyo qaboowba nala maray een marnaba gacmaha naga laaban.

6- Waxaan u mahadcelinaynaa abwaanadii sharafta fanka iyo midda shacabkaba ku dhaartay ineey dhaawac u diidaan ee ogaa inaanu nahay fanaaniin caan ah oo dhulkoodii yimid oo mudan garab iyo soodhaweeyn ba, abwaan Cabdillahi xassan ganay, Cawaale deeqsi, sadiiq burmad, Xamse Xadaari, Abwaan Maandeela, iyo Maxamad Muumin Ababe oo isagu qayb anagana naga ahaa safar kayaga qeeybna ahaa abwaanadii waxtarka uugu weeyn garab keena la taagnaa, mahadsanid abwaanadayada aanu jeclanahay.

7- waxaan Mahad u celinaynaa Fanaaniintii qiimaha lahayd ee aanu wada qaadanay 3 todobaad oo lama ilaawaan ah, Yurub Geenyo, Khadra silimo, Axmad wali Furunle iyo xaaskiisa, dumaashideen Asma love, iyo dhamaan Fanaaniintii qiimaha badneyd ee garab kayaga taagnaa habeenadii kala duwanaa.

8- ugu danbeyn Safar kayagu waxa uugu weeyn ee uu faa’iideeyay wuxuu ahaa, fanaan caadi suuqa loogu galay oo 8 sano la rabay in isaga iyo shacab kiisa Somaliland la isku diro, oo kolba waji loo yeelayay ayuu soo af jaray, oo imaatinkayagu wuxuu dawo ka noqday qof is og in uu sida xaashada u cadyahay oon waxba isku ogayn unbaa ka soo daga meel suuqa xoog loogu galay, ninkii wax isku uumaba safro meel eey faro ka yaalaan.
Midda kale Somaliland dowladii Illaahay iyo dadkuba kala xisaabtamayeen ee masuulka ka ahayd shaqaale sirdoon iyo askarba lahayd, markeey ku soo dhaweeyso, waxaa cadaanaysa cidda dawlada ka dad iyo dal ba jecel ee ka sirdoon badan ee xog helis og ee kugu mashquulaysaa ineey dan gaara leedahay balse ku owr kicisanayso qadiyad dadku wada leeyahay oon iyada gaar u ahayn oo qofka eey rabin uun eey shaabad uuga dhigto, waana cid ku soo caana dhantay ooy dhowr jeer u shaqeeysay balse maanta waan xumahay.
Waxa kaleey anaga na galisay 8 sanno dad lagugu dirayay oo lagu nacsiin waayay waa sharf kale iyo qiima kale oo awood na sii siinaysa.

9- Waxaan sameeyay intaanan safarkan saaka u bixin in dadkii aanu aqoon isku lahayn ee fikiro qaldan la iga siiyay ee waliba ila dagaalamay inaan cafiyo oon waliba qaarkoodna telefon kula hadlo una sheego inaan cafiyay waxbana u haysan, qaarkoodna aan la kulmo oon caf iyo musaamax iyo jacaylo ku kala dhoofno.

10- waxaan ku soo xidhayaa da’ kaste Fanaaniintooda uugu cadcad baa beeno laga sameeya balse fanaan keey ku xidhantahay inuu meeydho oo uu bulshadiisa ka dhaqo waxaa la kala dhex dhigayo, aniguna Somaliland iyo hargeysaba afkii wax lagaga sheegi lahaa iguma yaalo waana dhulkeeygii, dhamaan dhulka soomaliyeedna amaan mooye wax xun uuma quudho, balse qof iyo labo iyo sadexba intii xuduud kooda ii soo dhaafa dee waan iska waabin iyaga, balse iska waabin taas aan iyaga iska waabiyo ayeey rabaan ineey ka dhigan Somaliland buu u jeeda iyo Hargeissuu wax ka sheegaya, si eey caracter assassination Fanaanka uugu sameeyaan. Balse waa hadaan ka yeelo.

Hargeissa waxaan ka tagayaa anigoo jecel oo eey magaaladaydii tahay, waxaanan ku soo noqonaya mar aan fogayn oo aan casuumad gaara ka heley dadkeeyga.

Borama waxaan ka soo baxay anigoo jecel oo balan ku qaaday in wanaageedu wanaagayga yahay oo xumaanteedu xumaanteyda tahay, waxaan ahay shakhsi ka mid ah dadka borama sumcadeeda dunida ka gadaya ee ku faanaya.

Noolada dhamaantiin, Jigjigaay jidkaan soo hayaa!!!!!❤️♥️❤️♥️

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.