CAQABADAHA CAAFIMAAD DARRO IYO RAADADKA UU CORONA VIRUS KA TAGI KARO

0

CAQABADAHA CAAFIMAAD DARRO IYO RAADADKA UU CORONA VIRUS KA TAGI KARO ( COMPLICATIONS OF COVID 19 ) .

W/Q Dr Mohamed Abdilahi Abdi

Aan maqaalkayga ku bilaabo bisinka Allah iyo saliga nabi mohamed ( SCW) ilaa aakhiri hayaatinaa . Maanta waxaynu halkan ku gorfayn doonaa dhibaatooyinka caafimaad daro ee uu Covid 19 ka tagi karo iyo saamaynta heerarka kala duwan leh ee uu Covid 19 bulshadeena ku kaga tagi karo .

Si taasi loo ogaado inta badan waxa jirta seddex arrimood oo muhiim ah cudurka Covid 19 , seddexdaa arrimood waxay had iyo jeer inoo kala saaraan heerka ay gaadhsiisan tahay dhibaatada Covid 19 . Iyadoo seddexdaa arrimood ay muhiim u yihiin daawada iyo nidaamka qofka uu haleelo cudurka Covid 19 .
Haddaba inaka oo aan ilduufayn caqabadaha caafimaad ee kala gadisan ee ka dhalan kara cudurka Covid 19 . Si loo ogaado caqabadahaasi caafimaad waxa muhiim ah inaad ogsoonaatid seddexdan arrimood :
1 . Mild symptomatic ( calaamado aad u fudud ) oo xataa ka sahlanaan kara kuwa uu hargabka ama durigu keeno . Ama mararka qaar lama yimaad wax calaamado ah oo muuqda . Qofka inta badan heerkaa taagani lama kulmo wax caqabada ah . Sidaadi si la mid ah marka uu xanuunku jidhkiisa ku jiro si sahlan ayuu uga bogsadaa , kaliya waxaa ka reeban haddii uu bukaanku uu leeyahay cuduro kale oo soo jiitamay sida macaanka , xanuunada neef mareenka asiiba , wadno xanuunka , cudurka kansarka iyo dhamaan cudurada dhaawaca hab difaaca jidhka binu aadamka oo dhan .
Maareynta bukaankaasi waa in lagu karantimeeyo qaybta Hospital ka ee loogu talo galay in bukaanada noocan ah lagu karantimeeyo si faafitaanka cudurka loo ilaaliyo .

2 . Moderate symptomatic ( calaamado uu bukaanku dareemi karo balse sahlan ) tani waa darajada heerka labaad oo tilmaamaysa calaamadaha uu la iman karo bukaanku isla markaana oo bukaanku la iman karo calaamado dhowr ah sida cabudh faro badan , xumad sahlan , madax xanuun faro badan , daal jidhka oo dhan ah , muruqyada jidhka oo xanuun badan leh . Heerka kan aynu ka hadlaynaa ee darajadan labaad waxay isu bedeli kartaa mararka qaarkood derejada xaalada seddexaad taas oo caqabad keeni karta . Waa haddii si fiican loo maarayn waayo .

3 . Severe symptomatic ( calaamado aad u daran ) mida seddexaad waa bukaan ay ka muuqdaan calaamado aad u daran kuwaasi oo bukaanka noloshiisa halis galin kara haddii sida ugu haboon loo maarayn waayo .
Calaamadahaasi waxaa ka mida : naqaska oo qabanaya , qufac qalalan oo aad u daran , xumad ama qandho aad u daran , madax xanuun faro badan , matag aad u badan , mararka qaarkood shuban , dhamaantood waxa waxay keeni karaan halis nololeed .
Sida ugu muhiimsan ee qofkan loo maaraynayaa waa in bukaankan la geeyaa xarunta ICU ga ama qaybta loogu adeego bukaanada xaaladoodu liidato . Waa in bukaanka noocan ahi helaa gargaar degdeg ah sida :
.. Oxygen ku filan waayo habkii neef mareenka ee bukaankani caabuqa ayaa dhibaateeyay waanu talaxgabay
… haddii oxygen tu markuu litres faro badan qaato haddii uu ka rayn waayo waa inuu helaa machine kii oxygen ta ku dhaadhicin lahaa oxygen ta ama gaadhsiin lahaa intaasi waxaa dheer hadday xaaladu isbedeli waydo in loo sameeyo intubation .
Waa in lala socdaa dhamaan vital signs ka bukaankan oo la record gareeyaa 15 minute ba mar .

Haddaba adiga oo dhuganaya dhamaan heerarka kala gadisan ee cudurka iyo hababka kala duwan ee loo maareeyo . Waxaynu isku dayi doonaa inaynu fahano caqabadaha caafimaad ee ka dhalan kara .
Cudurka Covid 19 waxa uu keenaa caqabado degdeg ah oo bukaabka noloshiisa halis dhimasho galin kara iyo kuwa ku reebi kara xaalad caafimaad daro .

Xanuunka Covid 19 waxa uu sameeyaa dhamaan hab dhismeedyada kala duwan ee aadamaha sida : habka neef mareenka , hab dhiig wareejinta ee wadnaha , habka dheef shiidka , habka dareen wadayaasha iyo maskaxda , maqaarka , hab difaaca jidhka , habka kaadi mareenka iyo kalyaha , kuwaasi oo dhamaantood kaga tago caqabado kala gadisan .

Caqabadaha deg dega ah ee kuwaasi laga hortagi karo haddii si fiican loo maareeyo ( Acute Complications of Covid 19 )

. Shock ama qulqulka dhiiga oo gaadhi waayi dhamaan jidhka iyo hab mareenada kala gadisan ee jidhka taasi oo keenaysa inay oxgen tii dhiiga raacaysay ay gaadhi waydo dhamaan organadii ama xubnihii muhiimka ahaa kadibna dhaawac uu soo gaadho dhamaan xubnahaasi taas oo sababi doonta waxa loo yaqaano , xubno badan oo jidhka ah oo talax gabay ama shaqadoodii qaban waayay ( multiple Organ failure secondary to Shock )

.. Habka Neef mareenka oo Talax gaba ( Respiratory Failure ) tani waa mid ka mida caqabadaha ugu dhibta badan ee degdega ah ee uu Covid 19 dhimashada ugu badab ku keeno . Taasi oo la tacaalisteedu adag tahay oo xirfadlayaasha la tacaali karaana innagu yaryihiin .
.. Acute Kidney Injury (Dhaawac Degdega oo kalyaha oo gaadha ) sababaha ugu badan ee keenaya inuu Covid 19 dhaawac soo gaadhsiiyo kalyaha way faro badan yihiin balse waxaa ugu muhiimsan waxa uu keenayaa marka hore Shock ama dheeli tiran buuxa oo ka yimi dhiigii oo gaadhi waayay kalyaha kadibna uu dhaawac soo gaadho .
.. Acute Vascular injury ; dhaawac soo gaadha xidida dhiiga taas sabab u noqon karta inay xinjir samaysmanto kadibna stroke ama faalig uu keeno markay xinjirtu maskaxda gaadho .
Runtii caqabadahu way badan yihiin balse tusaale intaasi ha inoo ahaato .

Cabaqada qofka noloshiisa raaci raaci kara ( chronic complications of Covid 19 )

. Anxiety then into panic State or Major Depressive Disorder( xanuun kastaa waxaa uu sababaa warwar balse Covid 19 waa mid sababay dhibaatooyin faro badan oo dhinaca xanuunka dhimirka ah . Runtii daraasado faro badan ayaa taasi tilmaamaya ( mental Disability )

. Wadno canuun ( myocarditis )

Waxa qoray Dr Abdilahi Mohamed Abdi , MD , Advanced trained of Forensic Medicine .
Email . geedeeblehargeisa@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.