Cali Warancadde: Muwaaddinka Maqan Mooyaane, Yaa Loo Dhiibay Muslimiintan Maganta Ahaa?

0
Cali Warancadde: Muwaaddinka Maqan Mooyaane, Yaa Loo Dhiibay Muslimiintan Maganta Ahaa?

Cali Warancadde: Muwaaddinka Maqan Mooyaane, Yaa Loo Dhiibay Muslimiintan Maganta Ahaa?

WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

Mar haddii aynnaan warcelin ka haynnin weyddiimo hore oo aan halkan u mariyay Md Warancadde, waa in xabaalo kale la sii faqo…Qaar marti iyo magan ahaa ayaa la madallufiyay oo waddamo kale la mulkisiiyay… Mooyi cid dillaalka qaadatay iyo danaha la dhaafsaday…

Intii uu Md Cali Maxamed Warancadde ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland 2013-2016 waxa Itoobiya loo dhiibay laba nin oo Suudaani ah. Waxa xilkaas laga wareejiyay 14kii Ogos 2016, anigana isaga oo lix cisho ka maqan ayaa la 20kii Ogos 2016ka la igu xidhay Hargeysa, xarunta argaggixisada..

Xidhiidhka ka dhexeeyay Cali Warancadde iyo Itoobiya waa sababtii uu malaha u diiday in wasaarad kale loo dhiibo ee uu markii dambe u yidhi “Safiirka Itoobiya ii magacaaba, aan ku nasto” markii dambe ee la yidhi “Ma shaqaale ayaad noqotay ka tirsan arrimaha dibadda?” uu u codsaday in loo xulo la-taliye Madaxweyne.

Bal sheekadan ka dhacday xarunta dembi-baadhista Hargeysa intii Cali Warancadde aan wasaaradda arrimaha gudaha laga wareejin eega:

Waxyaabaha naxdinta abuuraya, waxa ka mid ah sida ay Somaliland ula dhaqanto qaar ka mid ah maxaabiista ajnabiga ah oo loo gacan-geliyo ciddii ay is-hayeen. Saaxiibbadii xabsiga oo iiga warramaya niman Suudaan u dhashay oo la wareejiyay ayaa yidhi “Waxa halkan ku xidhnaa laba nin oo Suudaani ah, waxaana deyn u sheeganayay nin Itoobiyaan ah. Marka rubuc qaad ah loo keenayo, waxa ay askartu ka qaadi jirtay $50. Halkii ay Somaliland kiiska ka baadhi lahayd, waxa labadii nin loo dhiibay dalka aynu walaalaha, saaxiibka iyo deriska nahay ee Itoobiya.

Mooyi in ay nool yihiin iyo in kale. Markii la dhiibayay, waxa ay ku muusannaabeen ‘miyaannaan muslin ahayn? Maxaad noo gacan-geliseen? Miyaad idinku na kala xukuntaan?”. Jaaliyadda Suudaan ee ku nool Somaliland oo aan ogeyn xilliga raggaas la gudbiyay ayaa mar dambe xabsigii yimi. Kolkii ay warka heleen ayay yidhaahdeen “Haddii ay raggaas qodaxi muddo, waxa aanu ka jari doonnaa ardaydiinna Khartuum wax ka barata iyo boqollaalka iyaga oo suudalaya na dhex mara”

Labada tuduc (paragraph) ee hoose iyo muwaaddinka la dhiibayba waxa ay siyaabo kala geddisan ugu qoran yihiin buugga Waayahagii Xabsiga ee aan qoray, soo baxay 2020.

Siciid Gahyr

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.