Cali Khaliif Gallaydh; Ibraahim Hawd

0

Cali Khaliif Galaydh Ilaahay jannooyinkiisa ha ku mannaysto, ehelka iyo umadda oo dhanna samir ha ka siiyo.

Run ahaantii nin qaran baa baxay. Cali Khaliif kaalin weyn buu umadda ku lahaa, sanooyinkii dambena naftiisa xil aan nin kale isa saarin buu saaray. Odayada maanta jooga waxaa u dhaqan ah waxii aan dantooda qofeed ahayn in aanay xaalayn, laakiin Cali Khaliif muddooyinkii dambe oo dhan ma jirin dan gaar ah oo uu siyaasadda u gu jiray, wax uu se isu arkayay in ay masuuliyad odaynnimo ka saaran tahay dadka iyo qadiyaddooda uu xalka u raadinayay.

Waagii uu jabhadaynayay baan ka qoray maqaal hogatusaale ah oo taladu ahayd Cali in uu qoriga dhigo oo umadda Waqooyiga u wada odayeeyo oo midaynteeda iyo nabadaynteeda ka shaqeeyo. Kolley waqti bislaadayna wuu jiray ee waa kii naftiisa iyo inta tolkii ka talo qaadataba ku dirqiyay in ay Isaaq la heshiiyaan oo wax raalli la gu wada yahay oo la gu midoobi karo la wada raadiyo.

Nasiib xumo sidii aannu aniga iyo isaguba ku fekeraynnay ma ay noqon. Hargeysa u gu ma uu tagin dad nasab ah oo dan ka leh nabad, midnimo iyo dawlad umaddu wada yeelato. Wax uu u gu tagay gun xinka iyo hungurigu ilaah u yihiin wax kalena aan niyad iyo iimaan u hayn.

Geeridiisa maanta waxaa wax weyn ku yeelan kara niyadjabkii iyo jactadkii uu Hargeysa ka la kulmay ee loo la badheedhay, waxaa se hubaal ah in uu waajibkiisii gutay, samir iyo dulqaadna muujiyay.

Ilaahay jannadii ha geeyo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.