Cali Guray:Anigu Ma Sharaysan Booqashada Buurmadow

0
Cali Guray:Anigu Ma Sharaysan Booqashada Buurmadow”

Cali Guray “Anigu Ma Sharaysan Booqashada Buurmadow”

Cali Guray:Anigu Ma Sharaysan Booqashada Buurmadow

Anigu shakhsi ahaan maan sharaysan booqashada Boqor Cismaan Buurmadow uu ku tegay Muqdisho iyo Baydhaba. Qofka Hargeysa dhexdeeda ka yidhaa “Goni-isu-taaga Somaliland waa go’aan shacbi warkiisu xiiso ma leh waayo waa caadi oo war la qabaa xiiso ma leh.

Balse qof caan ah oo Soomaali oo dhami taqaan oo weliba hoggaamiye dhaqameed ah marka inta uu Muqdisho tago ka dhex yidhaa dad badan ayay ku noqon kartaa yaab iyo yaabka-yaabkii.

Mar Muqdisho ayuu tegay ayaa in badan oo caadifiyiin ah oo weliba ka soo jeeda Beeshe Dhexe ee Somaliland ku noqonaysa amakaag. Waayo waxay aaminsan yihiin qof caan ah oo ka soo jeeda Somaliland hadii uu Muqdishaba tegay in uu yahay dambiile khayimul waddan ah, sharcigana waxba kama gelin oo isaga ayaa sharci ah.

Xagiisa sida loo kala neceb yahay Muqdisho iyo Somalia ayaa loo kala muwaadinsan yahay Somaliland. Kuwo kale oo Reer Muqdisho ama Somaliya ahna waxa yaabka-yaabkiisa ku ah ninka Hargeysa ka yimi ee ku dhici karay inta uu Muqdisho ugu yimaado si cad warbaahinta uga yidhaa “ gooni-isu-taaga Somaliland waa go’aan shacbi waanan taageersanahay”, Somaliland miyuu ka hiiliyay mise wuu u hiiliyay?

Anigu waxan qabaa in uu u hiiliyay? Laakiin qofka isaguna si kale u arka waa isaga iyo garashadiisa. Kuma qoonsan karo

buurmadow Oo Ka Hadlay Loolanka Gaafaadhi iyo Kaahin
“Beeshaydu dib uma aamminayso Muuse Biixi,” Boqor Buurmadow

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.