Cali guray oo sheegay in saaka isaga iyo Muuse Biixiba faraxsan yihiin,Maxayse ku faraxsan yihiin!.

0

Waar dee anigaa maanta sheeko idiin haya. Waxan la yaabay horta anigu aad baan u faraxsanahay Musena shaw waabu iga sii daran yahay oo inu farxad dilaaco ayaabu ku dhaw yahay. Wax labadayada naga wada farxiya oo dhacaynay waan is waydiiyay oo garan waayay. Anigu Kulmiyaha sidii doon iyadoo badwaynta maraysa duufan ku dhuftay Kulmiyahan xukuumad iyo xisbiba baaxaa degaya ayaan ku farxsanahaye tolow muxuu isna ku faraxsan yahay? Ma kuwa soo daatay mise kuwa inanka sodoga loo yahay fuushiiyay. Mise Cali Mareexaanka xubin nimadii wakiiladii tuuray ee yidhi ANIGAA XIRSIYAYN KARAYA? Mar baan is idhi waar malaha kii Xasan iyo Nuux buu ku darayoo Bacaluul is qaaday baabu noqday. Iyagina bartoodii bay yaalaan.Anigu waday waday oo waxan ka wadi waayay oo odayga uu HAA IYO MAYA kaga wada yeedh siiyay ee saaka Kaadhkii Golaha Dhexe qaatay ahayn uu ku faraxsan yahay garan waayay

Cali Guray

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.