Cali Guray Oo Ammaanay Maxamuud Xaashi

0
“Dalkan Doorasho Ka Qabsoomi Kartaa Ma Jirto Eh Yaan Dadka Been Loo Sheegin,”

Cali Guray Oo Ammaanay Maxamuud Xaashi
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ammaanay wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.isaga oo tixraacaya hadal jeedintii Maxamuud Xaashi ee arrimaha khilaafka Carabta iyo doorka Somaliland laguna waydiiyay su’aalo ayuu sheegay in uu yahay siyaasi dhab ah oo aan jilayn siyaasadda.
Cali Guray ayaa qoraal ku yidhi:-
LA ISMA XAASIDO EH
Maxamuud Xaashi in uu yahay siyaasi bisil, waayoarag ah, xogogaal ah, aftahannimo uu isku cabiri karo kuna fasiri karo waxa uu ka hadlayo iyo mawqifkiisaba leh munaasibaddan dhegaysiga, waydiimaha, iyo doodda ah ayaa laga arki karaa. Somaliland aad bay u tiro yaryihiin Kuwa aynu siyaasiyiinta nidhaahno anigana igu darba oo inta heerkiisa gaadhsiisani ama sidan saraaxadda ah uga badheedhi kara arimaha uu ka hadlay ee Somaliland iyo kuwa saamaynta ku leh. Odhan maayo mana lihi 100% ayaan ku qanacsanahay ama ku waafaqsanahay arimaha faraha badan ee dhinacyo badan khuseeyay laakiin waxan qirayaa inu yahay siyaasi run ah ee aanu ahayn nin jilaya siyaasi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.