Cali Guray Muxuu Ka Yidhi Jid-gooyadii Muuse Biixi U Galay Axmed Siilaanyo?

0

Hargeysa(Sayruuq) Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo dhawaan u jawaabayay dhiggiisa Muuse Biixi ayaa waydiiyay su’aal ah Miyaad illawday in aad Axmed Siilaanyo jidgooyo u gashay? Mujaahid Cali Guray oo u muuqda in uu su’aasha ka jawaabayo ayaa sawir ka bixiyay sidii Axmed Maxamed Siilaanyo uga cadhooday wakhtigii Jid-gooyada soona bandhigay Su’aalo uu waydiiyay guddoomiyihii SNM ee xilligaas,

Berigii Gudoomiyaha SNM la isku hortaagay Laanqayrta markii ugu horaysay eenu kulanay wuxu nagu soo maray Xarshin. Eraygan “jid-gooyo” ee reer Waddani ay kaambaynka ka dhigtaan ayaan hadalkayga uga bilaabay intii aanan wax kale u gudbin si aan u ogaado Axmed dhacdadaa foosha xumayd siduu u arko. Hadalkii na dhexmaray wuxu u dhacay sidan- goobjoogayaashina way nool yihiin.

Waxan idhi Gudoomiye marka hore erayga” jidgooyo” dhinaca milatariga waa waajib dagaal oo waddo ama jid cadow soo marayo halka ugu cidhiidhsan eenu dhinacna uga leexan karin marka hore loogu aaso miino Anti tank ah dabeed wadada labadeeeda dhinacna col dhabogal ka sameeyo. Marka ay miinadu la kacdo gaadiidka ayaa colkii dhabagalka ku jiray rasaasta ku furaan gaadiidkii iyo cadowgii saarnaa. Gudoomiye arintii Laanqayrtu miyay sidaa ahayd? Axmed si toosa wuxu iigu jawaabay “waar maya maya”. Markaa horta falkaasi waa qalad in jidgooyo lagu sheegaa. Sua’aal kale ayaan jecelahay iyadana inaad iiga jawaabto eh Ilaahay baan kugu dhaariyaye arintii halkaa ka dhacday miyaad adigu rumaysan tahay inay ahayd shirqool lagu talogalay in adiga lagugu dilo? Tiina toos buu iigaga jawaabay oo wuxu yidhi “ maya ma qabo laakiin arintaasi Itoobiyaanka ayay aad uga cadhaysiisay waayo nimanku inay Itoobiya joogaan oo marti aynu u nahayba kamay fakrin Itoobiyaankuna waxa leeyihiin sidee ayaa loo odhan karaa Gudoomiyaha SNM oo ciidan Itoobiyaan ahi la socdaan nabadgelyadiisana ay masuul ka yihiin noqda wadada mari maysaan eh,” Sidaas ayuu Cali Guray ku sheegay faallo uu boggiisa Facebook ku faafiyay

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.