Cali Guray iyo Jaamac Shabeel oo Argti Kala Fog Ka Bixiyey Muranka Dhul Ee U Dhexeeya Ciidanka Dadweynaha Masallaha

0

Hargeysa(Sayruuq)-Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Mudane Jaamac Shabeel iyo Gudoomiyaha Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Cali Guray, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Muranka ka taagan Dhul ku yaala Masallaha Hargeysa oo ay isku khilaafsan yihiin Bulshada Degaanka iyo Ciidanka Militariga.

Labadan Masuul ayaa sheegay in Markii ay maqleen Dhawaaq ka soo yeedhay Madaxdhaqameed iyo waxgarad kale oo degaanka ah ay cagahooda si kala gooni ah ugu tageen Dhulka muranku ka taagan yahay balse warar kala duwn ayay ka bixiyeen.

Mudane Cali Guray ayaa isagoo Magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay waxa uu yidhi “Waxaan filayaa inaad Shaashadaha ka daawanayseen Arrin aad uga qayli siisay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Rag kale oo aqoon yahan ah, Arrintaas oo ku saabsanayd dhul dan guud ah dadkii laga raray iyadoo la leeyahay madaarka halaga fogaado. Dhulkaas wax dan guud ah waxaa ku yaalay Garoomo Dhalinyaradu ku ciyaaraysay.waxaanu saaka soo aragnay dhulkii oo dib loo qorshaystay oo Seesas lagu wareejiyay oo Khariidad cusub loo samaystay.inay cid gaara tahay iyo inay Ciidanka tahay kala garan mayno laakiin waxaanu meesha ugu tagnay Ciidan badan oo Koofiyad Cas ah”

Mudane Cali Guray waxa uu sheegay inay halkaasi ku soo Arkeen Saddex garoon oo mid ka mid ah Laga saaray Birihii Goolasha islamarkaana la baloodhaystay “Waa Fidmo cusub oo aanu eedeeda saarayno Taliyaha Ciidanka Qaranka oo aan xaq u lahayn isagu inuu ku dhex milmo dhulka, Waa Militari, waa Ceeb in isaga iyo Ciidankiisu muran dhal soo galaan,Maaha in Hargeysa dib ugu noqoto sidii Moorgan iyo Gaani oo Ciidan Koofiyad Cas ah la isku muquuniyo”

Cali Guray waxa uu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland “Madaxweynaha waxaanu leenahay Dhamaan Seesaska Ciidanku ilaalinayo ee ay halkaas ka sameeyeen waa in la baabiiyo oo dhulku sidii uu u banaanaa u bannaanaado oo uu dan guud ahaado, waxaanay u baahan tahay in Madaxweynuhu go’aan degdeg ah qaato oo Amarka bixiyo, taliyihiisana u sheego inuu seesaska baabiiyo”

Dhinaca kale Mudane Jaamac Shabeel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu indhihiisa ku soo arkay Meesha lagu muransan yahay, islamarkaana aanay jirin wax garoon ah oo wax laga bedelay.waxa uu sheegay in Ciidanku isxilqaamay oo Garoonka dayr ugu xidhayaan dhalinyarada.

calishbl

Mudane Jaamac Shabeel waxa uu Madaxdhaqameedka shalay arrintan ka hadlay ku sheegay kuwo ujeedo kale leh oo ku gabanaya Garoonkan oo uu ku dooday inaanay jirin wax Ciidan ka bedelay islamarkaana uu hayay Sidiisii oo Caruurtuna ku ciyaari doonto.

“Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo arrin shalay dhacday oo dadkuna xalay Shaashadaha ka daawanayeen,arrintaas oo ahayd in Garoon Caruurtu ku ciyaarto oo Masallaha ku yaala Milatarigu Iibiyeen, sidaas ayuu warka dadku daawaday sheegayaa.anigu Shalay markii aan arrinta maqlay meesha waan tagay Saraakiisha waan la kulmay,Garoonka waan soo eegay,waxaan caddaynayaa inaanu jirin haba yaraadee Garoon la iibiyay iyo mid la seesay midna aanu jirin.Garoonku waa sidiisii,Dayr iyo Sees iyo waxba muu lahayn Garoonku,Milatarigu iyagaa is-xilqaamay, iyagoo doonaya inay Caruurta Garoonka dayr ugu wareejiyaan oo garoonka u hagaajiyaan oo u balaadhiyaan laakiin,dadka ka hadlayay meesha dad ku gabanayay garoonka oo ujeedo kale leh ayaan u fahmay” ayuu yidhi Jaamac Shabeel

Madaxdhaqameed iyo Waxgarad uu ka mid yahay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Shalay Taliyaha Ciidanka Qaranka ku eedeeyay inuu dhulkan oo markii hore dan guud dadka looga qaaday ka iibiyay dad shacab ah. Waxay sheegeen inaanay wax la aqbali karo ahayn in meelihii Caruurtu ku ciyaaraysay dad gaar ah laga iibiyo, iyagoo Madaxweynahana Baaq culus u diray oo ay ugu sheegayaan inuu degdeg wax uga qabtay arrinta dhulkaasi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.