Cali Guray :Halkee La isla Marayaa?

0

HALKEE LAYSLA MARAYAA?

W/Q Cali Guray
Maayarka iyo Maayar xigeenka Berbera waxay ka soo kala baxeen Kulmiye iyo WADDANI. Sideeda cod ee uu ku soo baxay Maayar Ciddin waxay kala ahaayeen 5 Kulmiye ah iyo 3 mucaarid ah. Ceerigaabo Maayarka iyo ku xigeenkaba waxa helay mucaaridka WADDANI iyo UCID. Halka Hargeysa sidoo kale la filayo in Maayarka iyo Ku xigeenkuba mucaaridku isku darsado. Laascaanood Kulmiye ayaa dusha ka qaadanaya. Burco hadii heshiiskii mucaaridku sidiisii yahay Maayarka iyo ku xigeenkuba waxay noqon doonaan xaga mucaaridka.
Gebilay waxa loo badinayaa in Maayarkii hore oo Kulmiye ah la dooran doono oo uu noqon doono Maayarkii 3aad ee dib loo doorto balse ku xigeenku ma Kulmiye ayuu noqon mise xaga mucaaridka. Halka dagaalka ugu culusi ka socdaa waa degmada Boorame oo hore loo muddeeyay in maanta ay dhamaato dib ayaa loo dhigay wax sabab ahna lama sheegin. Kolay dhinaca mucaaridka taasi dareen shaki ayay gelisay oo in xukuumaddu ay wax kala wareejinayso ayay u fahmeen.

Dhinaca kale loolanka ugu culusi wuxu ka dhex socdaa Kulmiye iyo xukuumadda oo dhinac ah iyo labada xisbi ee mucaaridka oo dhinaca kale ah. Waxa la isku hayaa waa xubnaha Shirgudoonka Wakiilada. Kulmiye Golaha Wakiilada waxa u soo baxay 30 xildhibaan oo keliya halka 52 xildhibaan ay ka soo baxeen dhinaca xisbiyada mucaaridka. Guusha Kulmiye waxay ku xidhan tahay in mucaaridka ay ka soo leexdaan ugu yaraan 12 xubnood oo ka soo baxay. Dhaqdhaqaaqa laga arkayay dhinaca xukuumadda maalmihii ugu dambeeyay ayaa ku wajahnaa dabcan sidii loo kala furfuri lahaa xildhibaanada ka soo baxay mucaaridka gaar ahaan 21ka xubnood ee Ucid oo inta ugu tirada badani aanay markoodii hore ahaan jirin xisbiga Ucid balse Kulmiye ahaa ama taageersanaan jiray ha yeeshee fursadu ay iskaga soo sharixi karaan ka waayay ama iyaguba diiday in ay iska soo sharaxaan Kulmiye waxay ku qoonsadeenba kuwaas oo intooda ugu badani ay ka soo jeedeen gobolada Bariga. Xisbiyada Mucaaridka laftoodu ma girifgirif yara gaar ahaan WADDANI oo isagu aan shaki badan ka qabin xildhibaanada ka soo baxay in si fudud loo leexsan karo hadana dadaalkoodu yahay in wax kasta oo ay Faysal Cali Waraabe ku raali gelinayaaba ay u ogolaadaan si ay isugu hayn karaan xildhibaanada ka soo baxay mucaaridka ama intooda ugu badan.

Dadka u dhuun daloola dhinaca xukuumadda gaar ahaan wasiirada guntiga u gaabsaday siduu Kulmiye ugu guulaysan lahaa Shirgudoonka Wakiilada waxay sheegayaa in ay ku guulaysan doonaan dabcan lacagtuna waa muhiim marka ay tahay codadka lagu baayacayo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.