Cali Guray “Cirro Waa Madaxweynaha 2022,”

0

W/Q Cali Guray
Guddoomiyaha WADDANI waxan filayaa in uu garanayo waxa uu doonayo. Waa ninka ugu dhaw in uu ku guulaysto jagada Madaxwaynaha hadii November 2022ka ay doorashadu qabsoonto. Xaq buu u leeyahay dantiisuna way tahay in uu helo saaxad uu ku tartamo marka ay dhamaato muddo xileedka Madaxwayne Muse Biixi. Hadii aanu taa gorgortan ka gelayn hadda laab isku qaadashadooda waxan filayaa waxay ku egtahay doorashadan 2020.
Madaxweyne Biixi Iyo Dr Cirro Oo Addis Ku Kulmay

Ololihii doorashada taageerayaasha Muuse Biixi ee aniguba aan ka midka ahaa waxanu dhaliil uga dhigi jirnay “ waar ninkan dhegta wax loo saarayaa waxba hogaamin kari maayo”. Maanta ayaanu leenahay “ILAAHAYOW CAWO BADANAA DAD HELAY MADAXWAYNE DHEGTA WAX LOO SAARO OO CID UUN WAX KA DHEGAYSTA”. Markaa ha la yaabina aniga iyo inta ila midka ah waa tii la yidhi: Nin Ambaday Halkuu Aaday Way Ula Ekoonaataye.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.