Cali Cabdala Saalax iyo Dhadhamintii Dhibaatadda Kaligitalisnimadda laga dhaxlo!

0

Sanca(Saryuuq)-Maleeshiyadka Xuutiyiinta Dalka Yeman ayaa maanta duhurkii weerar ay ku soo qaadeen gaadhi uu watay Madaxweynihii hore dalkaas ee Cali Cabdale Saalaxa  ku khaarijayay rasaas ay ooda kaga rogeen ,waxaanay ku dhawaaqin dilkiisa kadib markii ay soo dhigeen muqaalo lagu baahiyey baraha bulshadu ku kulanto ,Cali Cabdale saalax ayaa ku siijeeday tuulo ay dagaan qabiilkood oo la dhaho Ma`arib,dilkiisan ayaa yimid kadib markii sabtidii lasoo dhaafay uu ku dhawaaqay ko horimaashaha maleeshiyaadka xuutiyanta oo ku sheegay in ay yihiin kowa laga xoreeyo dhulka barkaysan ee Yemen,hadaladaasi ayaa ahaa kuwa u eeg in ay ku raacsanayeen Xisbigiisi Mutamar Shacabi ,balse talaabadan ay qaadeen Xuutiyiinta ah ayaa mid ay ku heli doonaan taageero bada maadamo uu saalax noqday nin isbadbedal badan ,3 sanno ayay ahyed uun waqtigii uu la qaatay Xuutiiynta oo cududiisa iyo taageeridaasi kuala midowday .

Muqaalo ku xasuusinayo kuwa waa hore dhacay ,waxaanay noqotay aragtiyo amkaag iyo fajiciso ku noqtay cidkasto  oo sugaysay muddo dheer iyo kuwo waqtigan diyaar u ahaa ,kuwaaso muddo saddex sannadood ah sugaayay qixii ,burburkii ,aafooyinka hadheeyay ha noqdaan kaloore iyo cuduro aan dalkan waligood ku dhiciin ,dhaawacii iyo dhimashadii ku habsatay bulshaweynta reer Yeman .waxay sugayeen inay mar uun ka raysteen ciyaartii laba wajiilayda aheyd ee inta badan ku dhisneyd kooxaysiga kolba la jaanqaadka cidii isaga dani ugu jirto ,balse tan danbe ee Saalax qaatay waxay ku soo afmeertay saddex cishoo kaliy ah.

Yeman Saalax Dabadii?

Dalka Yeman dhimashadda waxaa soo wajihii doonta dhibaatooyin is barkan oo kala ah :

  1. Qabiilooyinka ay isku reerka yihiin Cali Cabdala Saalax iyo cidii ay isku Xisbiga ahaayeen waxay dagaalo ba`an la gali doonaan xuutiiynta .
  2. Waxaa Yeman is-bahaysii markii kowaad isku noqon doona taageerayaasha saalix iyo xukuumadda taagta daran ee Cabdi Rabi Mansuur oo ay is garanbsanyaan dowladaha Imaaraadka iyo Sucuudiga .

halka ay xeeldheerayaasha siyaasadda Yaman Faaleeya qaarkood ay aaminsanyiihn in dhimashada saalax ay dalkaasi u horseedi doonto mideynta shacabka iyo ka gudbka mustaqbalkii madoobaa ee saddexda sanno ka soo socday Yeman.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.