Cahdiga Cusub ee Boqortooyadda Sucuudiga iyo Waayaha Kusoo Food Leh .

0

Hargeysa(Sayruuq)-Dalka Boqortooyadda Sucuudiga waxaa majaraha siyaasadda iyo maamulka gacnta ku dhigay jiilka afraad ee Reer Aala Sucuud ,waxaan jiilkan kaga duwan yahay kuwii hore banaynta jidadka loo mari lahaa salaamka taladda boqortooyadda,wiil uu dhalay boqorka hadda taladda hayaa ayaa ah baarqabka ugu awooda badan waqtigan waxaanu xabsi guri ku xukumay cidkasta oo taladda dalka saameyn dhankiisa kala yeelan karta ,sido kale waxaa dalkan laga badalayaa qaabkii hore ay u wada shaqeyn jireen Culimadda reer Aala Sheekh ,isago dhaxal sugaha dalkaasi sheegay inuu boqortooyadda ka dhigi doono mid ku dhaqanta diinta qunyar socdka dhexdhexaadka ah ,sido kale wax uu miisan siyaasadeed ku yeeshay mandaqadda oo lubnaan iyo raysal wasaaraheedina gacanta ayuu ku dhigay ,balse Iiraan oo gacansiinaysa Xuutiyiinta Yeman ayaa iyagu wiigan dagaal dhanka cirka ah u iclaamiyey dhaxal suge Amiir Maxamed Binu Salmaan.

Dhaxal sugaha Boqortooyadda Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa taladda dalka gacanta ku dhigay ,isagoo helay awood xad dhaaf ah oo uu siiyay aabihi waa boqor Salmaan oo sidteemeye jir ah ,taasi ayaa keentay in noqdo dhaxal sugi isagoo si jujuub ah taladda loogala wareegay dhaxal sugenimadda Ilma adeerkii oo lagu qasabay inuu iskii isakaga casilo arrintaasi waxaanay dhacday  ila sannadkan 2017 bishiisi 7aad   maxamed binu naayif ,marka la eego baha dhaxalka soo qabtay labadan baarqab waa ilmaadeer aabayaashood isku hooyo isku aabo ahaayen reer Zadria ayaana la yidha halka boqorkii geeriyooday ee Cabdale uu bah kale ahaa .

Bishan lagu jiro 4-teedi waxaa xabsi guri lagu riday 11 amiir oo uu ka mid yahay maalqabeenka Milayneerka ah ee Waliid Binu Dalaal iyo wasiirkii Xaraska Sucuudiga oo ahaa halka kaliya ee u hadhay Amiir Maxamed Binu Salmaan  ooh ore waxaa uu hayay ilaa imkana yahay wasiirka Gaashandhiga Sucuudiga sidoo kale waxaa uu taladda ka xayuubiyey wasiirkii Daakhiliga oo ahaana dhaxalsugaha boqorka ,halka kaliya ee fayoobayd waxay aheyd ciidamda Xaraska iyo wasaaradooda oo uu wasiir ka ahaa Mutcib Binu Cabdalaha oo u dhalay Boqor cabdalihii dhintay .

Boqortooyadda oo jiilkii ama facii saddexaad ee taladda waqtigan madaxa la sii galaysaa ayaa waxaa shirar doora uu Amiir Maxamed Binu Salmaan kaga tiraabay inuu dalkan dagaal ba`an kula gali doono cid kastoo musuqmaasuq ku kacadda (waana sababta loo haysto 45 ruux oo wasiiro hore iyo kuwa imka ah iyo 11 amiir)  talaabadanina waxay u horseedi kartaa dagaal gondihiisa ka bilaabma maadaamo hore ay u jireen dagaal kaga socda dibadda oo ay u horeeyaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo 4 November ku soo ganay gantaal ku dhacay madaarka Riyaad .Dhibatadan oo dhaqaalihii sucuudiga dhulka galisay   waxaanay keentay shaqaalo badan oo ku tiirsanaa taajirka weyn ee la xanibay xoolihiisi iyo xoriyadiisi .

Dhinaca kale waxaa sucuudiga ka soo baxay colaad uga imanaysa dhanka Lubnaan oo Ra`aysal wasaarahoodi AlXariiri 3dii bishan uu sucuudiga maalintii u yimidba saacado gudahood u ku dhawaaqay in uu iska casalay xilkiisi Raysal wasaaranimo taasi garbayadda siyaasadda dalka Lubnaan cadho weyn ka abuurtay  –dalka Lubnaan waxaa ku nool saddex dhinac oo siyaasadda ku kala gadisan waa Muslim Sunni Iyo Muslim Shiica ah iyo Kirstaan- kuwaasi shaxadda siyaasadda saami qeybsiga ku kala qaata ,labbadda dhinaca ee kala ah shiicadda  iyo Kirstaanka ayaa aad u dhaliilay arrintaasi waxaanay ku sheegeen in uu Raysal wasaarahoodi la mijoxaabiyay warqadan iscasilaadana si qasab ah loogu dhiibay ,oo shalay uun bay aheyd markii Hogaamiyaha Xisbullah ee Xasan Nasrula Uu Sucuudiga ku dhaliilay talaabooyinka khalkhalgalinta ah ee uu  ka wado Lubnaan ,Halka Madaxweynaha Lubnaana uu sheegay inuu Alxariir uu  ku soo laabto dalkaasi hooyo .Dalka Lubnaan ayaa soo maray dagaalo sokeeyo oo ragaday islamarkaana taariikh adag iyo nolol saxariir ah soo baday ,waxaana dibu u heshiisin u sameeyay Sucuudiga .

Sucuudigu wuxuu waajihi doona xaalad kakan marka la eego qoyiskii taladda hayay oo kala jabay inta badana raacasantahay amiiradda la xidhxidhay ,arrintaasina waxay dhabar jab ku noqon doonta Boqor Salmaan maadama uu yahay Boqorki u danbeeyay ee reer aala sucuud ah oo jiilka saddexaad hogaanka ,iyadoo noqon doonto mid laf dhuun gashay ku sameysa isaga iyo qoyskiisa .

SayruuqNews

Hargeysa

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.