Cagjar Vs Shidde

0
Ahmed Shide criticises reports of party split, denies involvement to oust president

Cagjar Vs Shidde

Marka xaqiiqada laga hadlo , nuxurka u dhaxeeya laba nin ee isku haya talada dawlad deegaanka soomaali galbeed waa hal qodob , kaas oo ah , dhismaha xisbiga talada deegaanka haya , kaasoo Cagjar ku doodayo in lagu saleeyo dagmooyin , halka Shide ku doodayo in lagu saleeyo Qabiilooyin , xaqiiqduba waa intaas kooban .

Degmooyinka .

Degmooyinka uu ku dhagan yahay Mustafe Cagjar waa kuwii uu magacaabay Cabdi maxamuud Cumar ( Ina iley ) iyo kuwii ay magacabeen Madaxwaynayaashii ka horeeyay oo dhamaantood kasoo jeeday hal qoys , kuwaasoo ku kacay sad bursiimo aan caqli ahayn .

Tusaale , Gobolka Jarar .

Degmooyinka Awaare iyo Gaashaamo waxay ka tirsan yihiin gobolka jarar , Degmada Awaare waxaa wada Degen Isaaq iyo Ogaadeen , halka Degmada Gaashaamo Isaaq Degen yahay .

Degmada Awaare iyo Gaashaamo isku mar ayay noqdeen degmooyin , waxaana deegaan balaadhan gaashaamo , hadana sidan baa wax loogu qaybiyay .

Awaare ,dhinacii Ogaadeen waxaa la siiyey degmooyin ,

  • Yoocaale ,
  • Dhagax Madow ,

  • Dig ,

  • iyo Gunagado

  • Bilcin buur .

Halka qaybtii Isaaq laga dhigay keliya Degmada Daroor .

Degmadii Gaashaamo ee la midka ahayd Degmada Awaare waa sidii uu kaga tegay Xayle Salaase , wax na iskama badalin .

Guud ahaan sawirka Gobolada iyo Degmooyinka Dawlad deegaanka Soomaaliduna waa sidaas , Beesha Madaxwayne Mustafe oo xukunka mudo dheer gacanta ku haysay ayaana ku shubatay .

Doodaas mid la mid ah waxaa soo maray Wadanka Soomaaliya oo Beesha Madaxwayne Mustafe ku doodi jirtay in Degmooyin iyo Gobolo wax lagu qaybsado , kuwaasoo ah kuwii uu ka tagay M S Barre , iyadoo 21 sanadood ee taliskiisu jirey uu sida dawlad deegaanka Soomaalida wax uGu qaybiyey , tusaale kooban hadaynu soo qaadanana .

Gobolkii la odhan jirey Jubada hoose wuxuu u qaybiyey 3 Gobol , gobolkii Majeerteeniya laba gobol , halka Gobolkii Hiiraan uu yahay sidii Talyaanigu kaga tagay 1960 .

Si kastaba ha ahaatee , Muranka u dhaxeeya labada nin waxaa Xaqa iyo Cadaalada ku taagan Axmed Shidde , kaasoo doonaya in Soomaalidu si Cadaalad iyo walaalnimo ah wax ku qaybsato , halka Madaxwayne Mustafe difaacayo sedbursiimo xaafadiisu haysato , taasoo dhaawacaysa walaalnimada iyo wada jirka Umada Soomaaliyeed ee ku wada nool deegaankaas .
Qalinkii Axmed Garuuje

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.