Cagaweyne Oo Ka Hadlay Maqnaanshaha Soltelco

0
Cagaweyne Oo Ka Hadlay Maqnaanshaha Soltelco

Cagaweyne Oo Ka Hadlay Maqnaanshaha Soltelco
Maayar ku xigeenka caasimadda Somaliland ee Hargeysa Md Cabdicasiis Cagaweyne ayaa sheegay in maayarkii Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco si dhakhso ah ugu soo laaban doono magaalada Hargeysa.

Jimcihii shalay ayay saxaafaddu baahisay in maayar Soltelco ku sii jeedo dalka Sweden oo uu iska dhiibayo laakiin, jawaab gaaban oo goordambe oo xalay ah Maayar xigeenku soo dhigay boggiisa Facebook ayaan si buuxda uga jawaabin arrintan.

“Waxan hal kan ka cadaynayaa in aan warkan beenta ah ee laysla dhex marayo anay waxba ka jirin mayor kuna hawlo shaqo uu u tagay Ethopia gaar ahaan cassimadiisa una soo noqon doono isla bari dhamaan hawlihii shaqo ee uu u tagayna ay sii ficaan ku soo dhamadeen isaga iyo waftigii la socdayba…” Sidaas ayuu qoraalkiisu u dhigna maayar xigeenka.

Hase ahaatee waxa jira su’aalo ku xeeran arrintan. Sida ay saxaafaddu sheegtay Maayarka oo ku sii jeeda Sweden uu sii marayo dalka Itoobiya laakiin, maayar xigeenku soo ma hadal qaadin warqadda maayarku guud ahaan ku wareejiyay masuuliyaddiisa, islamarkaana ku sheegay in uu Sweden safar ku tagayo.
Halkan ka akhriso macluumaad dheeraad ah iyo warqadda Soltelco qoray

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.