Cabida Bunku waxay ka Hortagtaa Cimri Degdega

0

Cilmibaadhis cusub oo laga sameeyey Maraykanka ayaa lagu ogaday dadka Bunka u caba si joogta ah uga halis yar yihiin sababaha dhimashada keena ee tirade badan sida xanuunada wadanaha iyo Macaanka ,dadka kale ee aan waligoodba Buni cabin.
Diraasan waxaa lagu ogaaday sido kale in dadkii ka qeyb galay kuwooga sida xad dhaafka ah u caba coffe-ga aaney jirin wax khatar ah oo ku keenta dhimasho ,halka kuwa caba Bunka bilaa Kaafeeyinta ahin ay la mid yihiin.
Gabadha ugu da`ada weyn cilmibaadhayaasha oo ka tirasan Macahadka ummada ee Kansarka laguna magacaabo Erik Loftofild waxay tidhi: Kafeega waxa ku jira walxo badan oo bayoloji firfircoon, oo ay ku jiraan acids phenolic, potassium iyo caffeine,waxay wakaalada wararka ee Reuters oo fariin sanduuqa waraaqaha ugu soo dirtay macahadka ku sheegtay in diraasadaha badan lagu soo ururiyey Kafeega ay hoosta ka xariiqeen inu hoos u dhigo cuduradda wadana xanuunka iyo dhimashadda dagdeg ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.