Cabdiwali Gaas Oo Sheegay In Uu Degaanno Somaliland Ah Keenayo 200,000 Doollar

0
Cabdiweli Gaas Oo Shacabka & Cidamada Putland Dardaaran Culus U Diray

Garoowe(Sayruuq) Madaxweynaha maamulka Soomaaliya ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) shaaciyay in ay laba boqol oo kun oo dollar galinayaan degaanka Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ee Somaliland. Waxa uu sheegay in ay baahiyaha bulshada wax kaga qaban doonaan lacagtan laguna fulin doono mashaariic.

“Waxaan doonayna in aan ka jawaabno baahiyaha bulshada ee waxgaradka degmada Taleex noo sheegeen kaas oo ah wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Waxaan raba in aan halkan ka caddeeyo in aanu Laba boqol oo kun oo dollar ($200,000) gaadhsiin doono Taleex kaas oo wax lagaga qaban doono adeegyada magaaladaas,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiwali Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkan ka sheegay goob lagu dhagax dhigayay waddo la sheegay in ay isku xidhayso Garoowe iyo Taleex waxaanu intaasi ku daray in ay arrintan iska kaashanayaan hay’ad magaceedu yahay TIS Plus.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa imanaya wax yar ka dib markii bulshada gobolka Taleex ka qayb qaateen doorashadii madaxtooda Somaliland iyo ololihii ka horeeyay, islamarkaana dadku kala taageerayeen xisbiyada Somaliland. Arrintan ayaa u muuqata in ay qayb ka tahay mashruucyo lagu khalkhal galinayo ammaanka gobolladaas oo aan awalba fiicnayn kadib muran dhinaca maamulka ah.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.