Cabdiraxmaan Faroole Oo Sheekh Shariif Ku Eedeeyey Inuu Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Ee Hargeysa Ka Doorbiday Kan Garoowe

0

“Mashruucii Kuwait Fund Sheekh Shariif Isaga Ayaa Cagta Saaray Garoonka Garoowe Oo Yidhi Garoonka Hargeysa Lagu Dhiso Kanna Dib Ha Loo Dhigo.” Cabdiraxmaan Faroole

Garoowe (Sayruuq)-Madaxwaynihii hore ee maamul goboleedka Puntland ee dalka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyey Madaxwaynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe ka doorbiday dhisamaha garoonka diyaaradaha ee Hargeya waa sida uu hadalka u dhigaye.

index

Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlayay munaasibad lagu qabtay Garoowe oo lagu shaacinayay dib u dhis lagu sameeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa sheegay inuu wakhtigii uu Madaxwaynaha ahaa uu soo baxay Mashruuc uu bixinayay dalka Kuwait kaasoo Sheekh Shariif la waydiiyey labadan garoon ka mashruucan lagu bixiyo sidaana uu ku doortay in la dhiso garoonka Diyaarahada ee Hargeysa. Faroole oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

‘’Mashruucan oo 2010kii la bixiyay oo yaallay Kuwait Fun, oo dowladda dhexe laga rabay inay horay u dhaqaajiso, oo ay wada yaalliin Airportka Hargeysa iyo kan Garoowe iyo Badhan, Sheekh Shariif baa Cagta saaroo wuxuu yidhi kan Hargeysana sii daaya kuwaana dib u dhigga, Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon markuu Halkan noogu yimid ayaan kala hadlay oo uu nagu yidhi anigaa sii daynaya,..’’ Ayuu yidhi Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.