Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Dhibta Beledweyne

0
“Kubaddu Waxay Taalla Miiska Muuse & Kaahin,

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku baaqay in dadka Somaliland ka qayb galaan gurmadka loo fidinayo bulshada ku tabaalaysan fatahaadaha ee Beledweyne.

Qoraal uu arrintan ka soo saaray Guddoomiye Cirro ayaa u dhigan sidan:-

Walaalayaal; waxa aan sinnaba looga aamusi karin masiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka Soomaaliyeed ee ku teedsan Wabiga Shabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne. Sawirada iyo muuqaalada argagaxa leh ee laga soo tebinayaa waxa ay inoo muujinayaan waxyeelada weyn ee soo gaadhay dadkaa Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahay isla markaana dhiig iyo dhaqanba wadaagno.

Waxa aan dhammaan shacabka reer Soomaalilaan ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay u fidiyaan gargaar isla markaana gacan ka geystaan gurmadka loogu jiro samata-bixinta maatada waxyeeladu soo gaadhay ee reer Baladweyn.

Baladweyn Allahayow, balayaada hareer mari.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.