Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax Oo Talo Waayeel U Soo-Jeediyey ,Xukuumadda ,Axsaabta Qaranka iyo Beelaha Darafayadda Somaliland.

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweyne xigeenkii Somaliland ee xilligii Madaxweyne Cigaal, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa sheegay in tabashadii bulshada Awdal wali tahay mid taagan oo aan waxba laga qaban. Waxa uu xukumadda ku booriyay in wax laga qabto arrimaha ay tabayaan bulshada Awdal. Sidoo kalena wuxuu Cali Khaliif u soo jeediyay in wuxuu tabanayo uu ku raadiyo nidaam nabadgalyo.

Mudane Cabdiraxmaan Oo gurigiisa magaalada Hargeysa ugu waramay wargeyska Warsugan ayaa sheegay in kala daadsanaanta midnimada Somaliland iyo tabashada beeluhu tahay mid caqabad ku ah horumarka iyo citiraafka Somaliland raadinayso. Wuxuu soo jeediyay in laga shaqeeyo midnimada Somaliland waxka qabashada cabashooyinka jira si bulshadu ugu midawdo hiigsiga citiraafka iyo horumarka bulshada Somaliland u heelan tahay.

“Midnimada dalkeena dhexdiisa, hagaajinta tabashada beelaha iyo xoojinta midnimadaasi waxay aasaas weyn u tahay in isku aragti laga noqdo waxaynu hiigsanayno, door weyn baanay ka ciyaaraysaa siyaasadeena arrimaha dibada iyo aqoonsigeenaba. Waa in waxweyn laga bedelo oo dedaalka intaas laga sii kordhiyo oo cabashada iyo tabashada beelaha wax laga qabto intii dawladnimadeenu saamaxayso ha iskaba yaraatee oo midnimada dalkeena aad loo hagaajiyo,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland.

Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa dhawaan soo xero galiyay maleeshiyadii Suldaan Wabar mudada halka sanno ku siman kula jiray Buuralayda Awdal iyo Ethiopia kala qaybiya, waxaanan wax ka waydiinay bal wuxuu ku soo dhameeyay tabashada Awdal, isagoo sheegay in wali bulshada Awdal tabasho qabto. Waxa uu sheegay in odayaasha reer Awdal wakhti hore tabashadooda u soo gudbiyeen madaxweyne Siilaanyo, balse aan waxba laga qaban.

“Horta Somaliland oo dhan tabashada way qabtaa oo dawladnimadeeda waadiga arkaya, wixii ka dhiman reer Awdal halkana wuu ka dhiman yahay laakiin, way soo gudbiyeen tabasho inta la nool yahayna tabashadu way jiraysaa. Dariiqii loo mari lahaana waa dariiqii wanaagsanaa ee Odayaashu mareen ee intay yimaadeen tabashadoodii keensadeen, inkasta oo aan jawaab kaafiya ilaa imika aan xaga xukumadda laga hayn, oo jawaabtii xukumadda laga doonayay inay ka jawaabto wixii awoodeeda ah, waxyaabo badan oo la kari karayo ayaa jiree inay xukumaddu ka jawaabto weeye,iyadaa laga rabaa oo waajibkeeda weeye. Samirkana waxaa laga rabaa dadka(Reer Awdal) oo dariiqii imika la maray( Bixidii Suldaan Wabar) tabasho mid loo maray ma ahayn ee mid khaldamay ayuu ahaa. In qori la soo qaato oo dalkaa nabada ah iyo dadkaas lagu soo duulo taasi tabasho ma aha,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka hadlaya arrimaha uu hadda ku soo xero galiyay maleeshiyada Wabar wuxuu yidhi “ Waxyaabaha aanu ku soo dhammaynay waxa weeye inaan qori waxba lagu dhammayn Karin ee miiska dushiisa dadka walaalaha ahi wax ku kala qaataan. Sidaas ayaanu hirgalinay, doonaynaana inaanu hirgalino oo dadkeenu u barto, oo haddii wax la kala tawdo miiska dushiisa wax lagu kala goosto.”

Farriinta Cali Khaliif

Geesta kale Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax wuxuu ka hadlay tabashada bulshada bariga iyo mawqifka Cali Khaliif Galaydh oo hogaamiya kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo, waxaanu xukumadda u soo jeediyay inay indho gaar ah ku eegto tabashada bulshada bariga Somaliland “Runtii af xun igama gayo Cali Khaliif, waa dadka dadka iyo dalkaba wada leenahay, waxaan odhan lahaa wixii wanaag lagu waayo xumaan laguma helo. Illaahay baa iskeen baday, dadka iyo dalkana waynu wada leenahaye waxaan u soo jeedin lahaa in Cali Khaliif intaas ka soo dhawaado oo nabadgalyo lagu xalliyo wixii la tabanayo. Dawladduna naf hurid badan samayso oo arrintaas bariga indho gaara ku eegto oo ahmiyad gaar ah siiso, waayo? Wax inaga dhiman weeye, waxyaabaha aynu doonayno ee ictiraafka ku raadinayno waa ka badh. Markaa walaalkay Cali Khaliif waxaan odhan lahaa, walaal sidaas anagu baanu u leenahay dhiig iyo dhagar waxa dhaama wada hadal iyo is fahan yeel. Illaahayna sida khayrka leh ha ina waafajiyo, sidaas uun baanan ku odhan lahaa ninkaa odayga ah ee Cali Khaliif,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan.

Xisbiyada Qaranka

Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland waxa kale oo uu iftiimiyay in wali caqabadi ka taagan tahay tayada asxaabta qaranka dhammaantood. Waxa uu sheegay inay ka mid yihiin meelaha laga eegayo dawladnimada wanaagsan, haddii ay xumaadaana caqabad ku noqonayaan sumcadda Somaliland ku raadinayso citiraafka.

“Waxaynu leenahay xisbiyo dimuqraadi ah oo waynagii ka gudubnay nidaamkii beelaha. Arrinta muhiimka ahi waxay tahay xisbiyada tayadoodii waa sidee imika mudday jireene? Waa la ina eegayaa, sanad walba waxaa la yidhaa doorashadani waa tay isku dili lahaayeen marka qaabkeena la arko, sanadkan ka dambeyn maayaan baa la ina yidhaa, Illaahay haddana niyad samida dadkeena iyo himiladay u hayaan dalkeena ayaa god daloolkaas inaga daboosha oo waynu ka soo gudubnaa laakiin, waa ogaydeen oo doorashadii ugu dambeysay 2012 waynu isku siganay,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan. Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata farriin u diray xukumadda iyo xisbiyada “ Waxaa xukumadda, xisbigeeda iyo asxaabta mucaaradka ahba looga baahan yahay in umadda lagu wargeliyo inay doorasho xor ah oo xalaal ah oo nabadgalyo ah galaan. Waa in xisbi walba taageerayaashiisa ku wacyi galiyaa inay si xalaal ah wax ku helaan oo u tartamaan ee aanu u sheegin inay ilawba wax helaan.”

Waxa uu dhaliil u jeediyay xisbiyada qaranka “ Dhaliil weyn baan u soo jeedinayaa xisbiyadeena, xisbiga haddii dhexdiisa dimuqraadi noqon waayo oo in la iska dhex doortaa xor noqon weydo ma fiicna. Xisbiga wanaagsani dawlad wanaagsan buu dhalaa. Haddiise tayada xisbiyadu sidan ahaato oo dhexdoodii dimuqraadiyadi jirin oo dhexdooda la is boobayo oo caalamku daawanayo dawlad wanaagsan dhismi mayso. Haddii aanu nin qoorta iskaga duubayn xisbiga oo qof inuu yimaado lagu qasbayn ee si xor ah loo tartamo xisbigaasi dawlad wanaagsan ayuu dhisayaa. Markaa xisbiyadu waa salkii, asalkii iyo unugii dawladnimadu ka aasaasmaysay. Baryahana waad aragtaan halkii ay meel ka gaadhi lahaayeen waxaa ku yimid kala jajab xusbiyadii ah, iyadoo aanay xor ahayn mararka qaar doorashadoodu, tusaale ahaan anigu xisbiga Kulmiye ayaan ka mid ahaan jiray, malaha waa markii u horaysay een ka hadlaye Burco plaza kala jabkii nagu dhacay ee qaab daradii iyo nidaam xumadii meesha ka socotay iyo doorasho xumadii lagu kala dhaqaaqay in laga garaadaysto ayay ahayd. Mar labaad ayay haddana tii oo kale halkan ka dhacday waana xisbi dawlihii ee maamulkii hayay, markaa waxba maynu qaban oo talaabo maynaan qaadin, waa 2008(shirkii Burco) isla tii oo kale ayaa shirkii Kulmiye ee 2015 Hargeysa ka dhacday. Waa nasiib darro, waa Jug-jug meeshaada joog,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan.

Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo wax laga waydiiyay khilaafka asxaabta gaar ahaan Ucid ayaa ka gaabsaday arrintaasi wuxuuna u jeediyay talo guud “ Arrimaha la isku hayo gali maayo laakiin, waxa weeye in xisbiyada tayadooda la kordhiyo, in madaxda xisbiyada iyo dadka ku jiraaba ixtiraamaan dadkay madaxda u yihiin. Waa in xisbiyada xorriyadda dimuqraadiyadda ee lagu dooranayay waxna ku dooranayeen ka muuqato, markaas bay dawlad dimuqraadi ah samayn karaane, xisbiyadoo dhan baan sidaa u jeedinayaa, maaha kaliya Ucid, Kulmiye shalay ayuu ku kala dhaqaaqay hotelka ay shirka ku qabsanayeen, Waddani na cidi ma oga inay sidaasi ku dhici iyo in kale, waase in arrimahaas la iska ilaaliyo,” ayuu yidhi mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.