Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Oo Sheegay Inaanay Somaliland Waxba Ka Qaban Laba Qodob Oo meles zenawi Kula Taliyay 1995-kii.

0

Hargeysa(Sayruuq)- Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa ku taliyay in Somaliland samayso guddi isku dhaf ah oo uga qayb gala wada hadal kasta oo Somaliland gasho Somalia. Sidoo kale wuxuu lafo guray qodobo Somaliland ka dhaman oo caqabad ku ah helitaanka citiraafka Somaliland raadinayso

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa uu sheegay in Somaliland soo martay maraaxil kala duwan oo ay ka mid ahaayeen hubka dhigis, maamul dhisid iyo hirgalinta haykal dawladeed. Waxa uu sheegay in Somaliland waxbadan ka qabsatay dhinacyada horumarka ganacsiga, tacliinta, maamul fidinta iyo xidhiidhka caalamiga ah, balse wali arrimo muhiim ahi hadhsan yihiin.

“Waxaas aan soo sheegay oo dhammi waa jiraan, haddana qabyo weeye qaran dhisiddu oo qabyadeeda waa leedahay, intaana galab walba meel baa la gufaynayaa oo la awdayaa oo cidba cida ka dambeysa ayay ku wareejinaysaa oo wali hayaankii ma dhawa. Waxaanu hayaanku ku dhawayn mar haddaan la gaadhin citiraafkii ama aqoonsigii oo dhawr iyo labaatankaa Sanno Somaliland aanay gaadhin. Markaa wali aad bay wax weyni inoogu dhiman yihiin.

Siyaasaddeena arrimaha dibada oo ah taynu aqoonsiga ku raadinayno waxaa mar walba muraayada laga arkayo ah siyaasadda gudaheena, markaa kolba waxay ku xidhan tahay sida nidaamkeena dawladnimo iyo maamulkeenu u hufan yahay. Taas ayay ku xidhnaanaysaa aragtida dadka dibadu inaga haysanayaan.

“Xilli ilaa 1995-kii ah ayaanu halkan safar kaga tagnay oo Ethiopia tagnay; waxaana haa madaxweyne kuxigeen, aad buu wax uga taray socdaalkayagaasi isu soo dhawaanshaha cilaaqaadka ilaa hadda jira. Wefti badan baanu ahayn oo madaxweynaha haddu ka mid yahay isagoo wakhtigaa baarlamanka ku jiray. Maalintaas waan xasuusanahay oo wuxuu nagu yidhi ra’isal wasaarihii Ethiopia meles zenawi; laba arrimood buu nagu yidhi, wuxuu na yidhi “anagu(Ethiopia)marna noqon mayno dawladda u horaysa ee idin citiraafta laakiin, waxa laga yaabaa inaanu talabaad noqono,” waxaan uga jeedaa bal in wali wax inaga dhiman yihiin wali dawladdii koobaad maynaan xasilin. Wali wadan aynu si wanaagsan u xasilinay ma jiro.la dadaal laakiin, in intaas laga dadaal badiyo ayay ahayd. Erayga labaad een ka guntay wuxuu ahaa oo uu na yidhi “Idinku waxaas ha isku mashquulininee aqalkiina nadiifsada,” walina aqalkeena nadaafaddiisii ma dhamaystirna,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali.

Qodobo Citiraaf raadinta dabar ku ah:

Madaxweyne xigeenka hore ee Somaliland waxa kale oo uu sheegay in tafaraaruqa bulshada Somaliland, maamul xumada, Musuqmaasuqa, cabudhinta saxaafadda iyo dhawris la’aanta xorriyadda bulshadu tahay qodobo caqabad ku ah himilada Somaliland ee ah inay citiraafka hesho bulshada caalamka, “ Meelo yaryar oo aynaan ka filayn ayaa ah meelo waaweyn oo laga eego marka dawlad la citiraafayo. Waxa la yidhaa “waar dawladan aynu citiraafaynaa maxay inoola imanaysaa haddaynu citiraafno? Dee baahi iyo baryo ayay inoola imanaysa. Maaha dad isku filan ee waa Musuqmaasuq oo waxa yar ay haystaan ma hagaajistaan,” waxyaabo badan ayaa la eegaa.

Markaa waa in dalkeena wax weyn laga qabto; maamulkii wuu jiraa, haykalkii dawladnimo iyo hay’adihii way jiraan laakiin, mararka qaar ayaan maqlaa Musuqmaasuq ma jiro, wuu jiraa oo musuqmaasuq baa jira. Sida Illaahay inagama dhigee meelaha qaar ee Africa ah laga sheegayay ma aha laakiin, waa mid wax laga qaban karo. Dawladdan ayuu jiree,tii ka horaysay ayuu jiray. Waxa weeye in maalinba in la gooyo oo loo dhaqaaqo. Waa in umadan hantideeda yar loo dhaqaaleeyo, oo waxa weyn ee la filayo ee shidaal yeelan doona ee macdan yeelan doona sal wanaagsan ayay u noqonaysaa. Markaa arrimahaa waa la eegayaa oo waxa la leeyahay dawlad wanaag ma jiraa, Isla xisaabtan iyo hufnaani ma jirtaa, halkaana wali waxbaa inooga dhiman,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in qodobada kale ee dawladnimada lagu qiimaynayo ay ka mid tahay habka shaqo ee waaxyaha dawladda sida Fulinta, sharci dajinta iyo garsoorka “ waxa la eegayaa caddaaladdoodu ma madaxbanaan tahay? Wali heerarka la doonayo maynaan gaadhin. Caddaaladdeenu ma madaxbanaana. Talaabooyin wanaagsan baa la qaaday dhawaan. Guddoomiyaha maxakamadda sare siduu wax u wado waa qaab aad u fiican laakiin, haddii aan garabka lala qaban kaligii waxba qaban kari maayo,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenka hore.

Waxa uu tilmaamay in madaxbanaynta garsoorka ay qayb ka tahay kor u qaadida aqoonta iyo dhaqaalaha dadka garsoorka ka shaqaynaya “Madaxbanaanida waxaa ka mid ah dhaqaalaha miisaaniyadda oo la kordhiyo, tayada dadka ka shaqaynaya garsoorka oo la hagaajiyo oo wax la baro,iyadoo mushaharkooda laga dhigo mid ay kaga maarmaan inay wax kale hungureeyaan. Dad ahaan iyo xafiisyadooda oo la qurxiyo.”

Madaxweyne xigeenka hore ee Somaliland isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay in dedaalka guddoomiyaha maxakamadda sare wado iyo sumcadda Somaliland ba ay dhaawacayaan xadhiga suxufiyiintu “Talaabada garsoorku wado waa in lala dadaalo oo lala qabto oo lala toosiyo. Waxaan maqlayay jaraa’d baa la xidhay iyo saxaafaddii ayaa qaar la cabudhiyay. Bari dhexdii ahayd guddoomiyaha maxakamadda sare si fiican buu uga hadlay cabashada saxaafadda laga qabo, waxaanan Illaahay ka rajayn inay sidii socoto. Waxyaabaha la xidhayo laba bilood ee la soo daynayo ee meheraddii la xidhayo meel ayay inoogu qormaysaa oo sanadkii ayaa la inagu soo dalacayaa intaas oo saxafi ayay Somaliland xidhay, inagana sahaalo ayay inala tahay oo wasiir ayaa xidha odhanaya, taliyaha booliska ayaa xidha odhanaya dhaawaciina waa inagu dhacayaa waana waxyaabaha sheeda iyo dibada la inaga daawanayo, inaguna aynu sahashanayno oo iyadoo wixii la dhammayn karayo ama sharci la marin karayo sidii guddoomiyaha maxakamadda sare sheegayay cidii dambi loo haysto lagu soo dalaco isna looyar qabsado,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Wada hadalka Somaliland iyo Somalia:

Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo waayo badan oo Somaliland soo martay u soo taagnaa wuxuu talooyin wax ku ool ah ka soo jeediyay wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia waxaanu yidhi “ Wada hadallada Somaliland iyo Somalia, runtii sharciyaddii(Ogolaanshihii) baa inagaga xidhan Somalia oo waxay Somalia isu haysataa inay dawladdii hooyada ahayd tahay, mase aha oo waxaanay ku ahayn inagaaba dawladnimada ka hor qaadanay oo ku biirnay oo u tagnay oo hooyadii Somaliland baa ahayd. Hooyadii umadda Soomaaliyeed markii shanta Soomaali la raadinayay, riyadaasi rummoobi wayday hooyadii halkan ayay ahayd. Halkii nafta hurtay ee koonfur ku darsantay halkan ayay ahayd.”

Mudane cabdiraxmaan wuxuu sheegay inay sharci tahay in la wada hadlo, balse wuxuu naqdiyay qaabka wada hadalka “Sharciga aduunka, cidda wax iskaga xidhan yihiin way wada hadlaan. Waa la wada hadli laakiin waxa weeye, gogosha lagu wada hadlayaa maxay tahay? Waxa laga wada hadlayaa maxay yihiin? Cidda wada hadalkaas ka masuulka ahi maxay tahay? Waa caddaan oo iyagoon midnimo doonayn ayay walaalaheena Somalia yidhaahdaan midnimada Soomaaliyeed, iyagii baan mid ahayn, iyagii baad aragtaan halka qabaa’ilkii kala taagan yihiin oo dib u heshiisiintii Somaliland 1993 samaysatay aan wali samaysan oo kolba dawlad dusha lagaga keenaa oo lagu yidhaa idinku wada oo waxaa dhammeeya,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenka hore isagoo intaasi raaciyay “ Markii u horaysay in wada hadalkaasi sax yahay iyo in kale dadka aad loogama dhaadhicin. cid cid kale khasbaysaana ma jirto laakiin, dadka wax iskaga xidhan yihiin dee way wada hadlayaan. Somalia waxaa u cad midnimadii Soomaaliyeed. Midnimadii Soomaaliyeed riyo tagtay bay ahayd, inagaa aabbo u ahayn, inagaa raadinaynay in Jabuuti iyo Soomaalida Kenya inagu soo biirto ayaynu doonaynay, laakiin way suuroobi wayday inaguna xamar maynu caashaqsanayne dib ayaynu wexeena ugala soo noqonay.

Waxa weeye haddiiba ay dhacdo in la wada hadlo, waxay ahayd xaggeena in aad looga diyaar garoobo oo xagga sharciyadda laga diyaar garoobo, xagga dhaqanka iyo bulshada laga diyaar garoobo oo umaddu og tahay waxa laga wada hadlayo. Iyagu waxay leeyihiin midnimo ayaanu rabnaaye, Somaliland maxaa ka go’an? In dawlad bay noqotaye ay gooni isku taageedu xaqiiq noqdo. Waa laba arrin oo kala fog haddana wada hadal waa la wadayaa. In siday doonayaan lagu heshiiyo iyo in sidaynu doonaynu lagu heshiiyo labadaas mid uun bay noqonaysaa laakiin, waxaad moodaa inaan wada hadalladeena aad loogu diyaar garoobin,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu ku taliyay in wada hadalka Somaliland u saarto guddi qaybaha bulshada ka kooban oo u gaar ah wada xaajoodka “ Waxaan ku talinayaa in Somaliland wada hadalka u igmato guddi aan wasiiro kaliya ka koobnayn ee Somaliland oo dhan ah oo Odayaasha iyo waxgarad taariikhda aad u yaqaan ku jiraan oo dad sharciyadda aad u yaqaan ku jiraan. Maalmo dhaweyd Salaadiin iyo cid gaar ah ayaa la sheegayay horta dawladda ayaa wada hadalka ka wakiil ah, iyadaana agaasimaysa cidday ku darayso. Waana inaanay sidii hore wasiiru khaaraji, laba wasiir iyo laba hebel aanay tagine sida falastiiniyiinta loo sameeyo dad mar walba ku shuqul leh wada hadalkaas oo og halka wax marayaan. Bal hadda meesha wax marayaan yaa og, imisa wasiir ayaa la bedelay oo wada hadalkaas bilaabay? Raggii wada hadalkaas ogaa qaar dawladdaba hadda kuma jiraan, dhukumantis meel la dhigayna u malayn maayo inay jirto, markaa waa inaga qabyo ee waxaan ku talin lahaa in guddi rasmi ah oo aqoon yahanno leh, oo dhaqan yahan leh oo madaxda qaran ku jirto oo cidii la bido inay halkaas wax ka goyn kartaaba ku jirto oo mar walba xaalka la socda la sameeyo,” ayuu yidhi mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Source- Wargeyska Warsugan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.