Cabdirashiid waxa uu doonayay in uu Cigaal xilka ka qaado

0

Cabdirashiid waxa uu doonayay in uu Cigaal xilka ka qaado

Sida uu Jaamac Maxamed Qaalib ku qoray buuggiisa “Taariikhda Soomaaliya: Xogogaalnimo U Badan” madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke intii aan Laascaanood lagu dilin waxaa u qorshaysnayd in uu xilka ra’isul wasaaranimada ka xayuubiyo Mudane. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Sida uu Jaamac buugga ku warinayo, madaxweyne Cabdirashiid waxa doonayay in uu dawladdiisa ka mooso mucaraadbimo iyo gadood dadweyne oo ah oo ay wajahaysay. Sida Jaamac qabo xukuumaddii ra’isul Cigaal waxaa magaceedi iyo maamuuskeedi aad u dhaawacay saddex (3) arrimood oo kala ahaa:
1. Heshiiskii (memorandum of understanding) ee Cigaal la galay Kenya iyo Itoobiya kaas oo aan Soomaalidu xilligaas diyaar u ahayn
2. Musuqmaasuq baahsan, iyo
3. Ku shubasho doorasho oo xukuumaddaasi ku kacday bishii Maaj 1969. Sidaas darteed ayaa Cabdirashiid qorshaynayay in uu ra’isul wasaaraha beddalo haddii uu ka soo noqon lahaa safarkii uu ku marayay waqooyiga iyo bariga dalka kaas oo uusan ka soo noqon.
Jaamac waxa waxa uu sheegay in rag Cabdirashiid ku dhawaa arrintaas kala hadleen Cali Shiikh Maxamed (Cali-Jirde) balse Cali-Jirde waa diiday jagada loo bandhigay. Waxa kale oo raggaas Cigaal in lagu beddalo la rabay ka mid ahaa Cabdullaahi Ciise, Michael Mariano iyo Cumar Carte Qaalib, (fiiri bogga 183). Balse nasiibdarro arrintaasi ma suurtagelin waayo Cabdirashiid safarkii ka ma soo noqon oo Laascaanood ayaa lagu dilay.

Jaamac waxa uu qabaa in ay u badan tahay in Cabdirashiid magacaabi lahaa Cabdullaahi Ciise ama Michael Mariano. Weliba Jaamac waxa uu qabaa in Cabdullaahi Ciise ahaa ninkii ugu khibrad badnaa dhammaan siyaasiyiintii berigaas taas oo uu ku kasbaday muddadii dheerayd ee uu ahaa hoggaamiyaha SYL, iyo markii uu ahaa ra’isul wasaarihiii xukuumaddii daakhiliga (1956-1960).
Jaamac waxa kale oo uu sheegay in Cabdullaahi Ciise ahaa nin shaqo badan habeenkii daaqadda xafiiskiisa laga arki jiray nalka oo daaran maadaama in uu ilaa waqti dambe xafiiska joogi jiray (fiiri bogagga 183-186).

Sidaa oo kale Jaamac waxa uu buuggiisa kale ee “The Cost Of Dictatorship” ku sheegay in Cabdullaahi Ciise ahaa jaad gooni ah oo ka duwan siyaasiyiintii kale ee Soomaaliyeed, uu na ahaa nin waqtigiisi ka soo hormaray. Waxa kale oo Jaamac yiri, “Cabdullaahi Ciise weligiis isku ma dayin in uu majaxaabiyo raggii asaga jagada ka dhaxlay”.
Waxaa Qoray:Cali Diini

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.