Cabdillaahi Jawaan Oo Madaxweynaha La Doortay U Bandhigay Qaab-dhismeed Xukumadeed

0
“Waxaan Leeyahay Madaxweyne Muuse Cadaaladda Ogow, Xaqna Ummada Ugu Shaqee”

Hargeysa(Sayruuq) Siyaasiga Cabdillaahi Jawaan ayaa Madaxweynaha la doortay mudane Muuse Biixi Cabdi kula taliyay qaab-dhismeed uu u soo koobay wasaaraddaha Somaliland oo uu sheegay in ay qaranka dan u tahay.

Qoraalka talada iyo soo jeedinta ah ayaa u dhigan sidan:-

Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxaan Kuugu Ducaynayaa in Xilka Culus ee Madaxweynaha ee Laguu Doortay in Alle kugu Asturro Hawlaha Qaranka Jamhuuradda Somaliland ee Kuu Yaalna ALLAH Kuu Fududdeeyo. Madaxweyne Waxaan Halkan Kuugu Soo Gudbinayaa: Qaab Dhismeedka Wasaaraddaha oo aan ìsku Celceliyey kuna Soo Koobay 17 Todoba iyo Toban Wasaaraddood oo kala ah:

1.Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

2.Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

3. Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

4. Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta.

5. Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dalka.

6. Wasaaradda Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka.

7. Wasaaradda Gaashaandhigga Qaranka.

8. Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka Cirka, Gaadiidka Dhulka iyo Isgaadhsiinta.

9. Wasaaradda Caddaalladdaiyo Arrimaha Diinta.

10. Wasaaradda Beeraha iyo Horumarinta Xoolaha.

11. Wasaaradda Caafimaadka, Arrimaha Bulshada iyo Shaqada.

12. Wasaaradda Deegaank, Horumarinta Daaqa iyo Dhirta.

13. Wasaaradda Macdanta iyo Horumarinta Biyaha.

14. Wasaaradda Dibu-Dejinta iyo Ka Hortaga Aafooyinka.

15. Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Hidaha iyo Dalxiiska.

16. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

17. Wasaaradda Kaluumeysiga, Dekadaha iyo Arrimaha Badda.

18. Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,

Haddaba Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxaad Ballan Qaaday: in aad Dhisi Doonto Dawlad Kooban oo Tayo Leh, Aniguna Waxaan Si Maamuus Leh Kuugu Soo Bandhigayaa Qaab Dhismeedkan oo ah Dan Qaran oo aan Ahayn Mid Qabiil iyo Qof Loogu Danaynaayo Toona. Sidii Roon Rabboon Naraaci. By Abdillahi AbdiHaji Omar Jawaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.