Cabdillaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Samaynta Dawlad Wadaag ah, Eedaha Baarlamaanka Loo Jeediyay iyo Wax Ka Bedel Lagu Sameeyo Komishanka Doorashada

0

Hargeysa(Sayruuq)-Siyaasi Cabdillaahi Xaaji Cumar(Cabdillaahi Jawaan), ayaa Arin laga naxo ku tilmaamay Dhawaaqii Mucaaradka eek u aadanaa Walaaca ay ka qabaan Doorashada iyo Eedaha ay Baarlamaanka u jeediyeen. Waxa uu sheegay inaanay haboonayn in Baarlamaanka lagu tilmaamo mid aan Sharci ku fadhiyin.
Cabdillaahi Jawaan oo ka hadlayay Walaaca Mucaaradka ee Doorashadu waxa uu yidhi “Cayimaada Wakhtiga Doorashada,Suuro galinteeda, Dib u dhigideeda, intaba waxaa iska leh Komishanka Doorashada, iyagoo sababaynaya haddii ay qabanayaan, haddaanay qaban karayna sababaynaya waxa dib u dhigaya.markaas waxaan leeyahay Buuqan kale iyo Yoonka inta dalka laga daayo, Rag badan oo aan Qadarin u hayo oo Gudoomiyeyaashii Xisbiyadu ka mid yihiin, Ibrahin Dhagaweyne oo Nin Masuula oo Halgan dheer soo galay ah, Oo Qadarin iyo Maamuus dalkan ku leh, Waxyaabaha aan saxayo ee aniga Khalad iigu muuqata, Waxaan leeyahay Komishanka Doorashada ha loo daayo Doorashada.
jawaan
Haddii ay qaban kari waayaan iyadoo sababaysan ayay Hay’addaha ay khusayso oo Xukumaddu kow ka tahay, wakiiladu ku jiraan, Guurtidu ka mid tahay, Xisbiyada Tartamayaa ku jiraan ayay u ban dhigayaan. Iyagoo leh Sababtaas iyo sababtaas ayaanan doorashada u qaban karayn. Markay intaas caddeeyaan dee waxa dhacaya Maxaynu yeelaa?Markaana Nidaam baa jira Aduunka, inaga Dastuurkeenu waxa uu dhigayaa In Guurtida loo gudbiyo waxa laga yeelayo kolkaas iyagu ay Go’aan ka gaadhaan”
Cabdillaahi Jawaan waxa uu sidoo kale ka hadlay Soo jeedinta Mucaaradka ee Dawlad wadaag ah haddii doorasho dhici waydo”Ma Imanayso in la yidhaahdo Dawlad wadaag ah Suuqa halaga keeno oo hala dhiso, dee Xeerkeena iyo Dastuurkeena Kuma jirto.Dastuukeena kuma jirto Dawlad la dhiso oo Xisbiyo wadaagaan” Ayuu yidhi Mr Jawaan
Siyaasi Cabdillaahi Oo sii hadlayay ayaa sheegay inay wax laga naxo ahayd Dhaliisha loo jeediyay Goleyaasha Baarlamaanka “Waxaan ka naxay labadii Gudoomiye ee hadlayay oo mid yidhi Baarlamaanku Sharci daro ayuu ku fadhiyaa,Sharci Darro, wax fudud maaha labaana ku dhawaaqay, hadda waa Hay’addii inoogu saraysay cawgeena oo dhana wuu dhegaysanayaa”
Cabdillaahi Jawaan waxa uu sidoo kale ka hadlay Aragtida Mucaaradka ee ah in la kordhiyo tirada Guddida doorashooyinka iyo in tiro isleeg laga siiyo Xisbiyada, waxaanu sheegay inay haboon tahay in la kordhiyo tiradooda “Aniga haddii 9 laga dhigayo way ku haboonaan lahayd ayaan leeyahay, laakiin talada aan bixinayaa waxay tahay in Nin Xisbi ahba laga daayo Komishanka,lagaba daayo in Xisbi Keeno oo Loo qaybiyo Saddexda Hay’adood ee Xukumadda, Guurtida iyo Wakiilada.markaa anigu waxaan odhan lahaa 9 Xubnood halaga dhigo, Nin Xisbi ka yimidna lama Odhan karo Xisbigiisii ayuu ka madax banaan yahay ee halaga daayo” ayuu yidhi Cabdillaahi Jawaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.