Cabdillaahi Darawal Oo Ka Walaacsan Somaliland

0

Cabdillaahi Darawal Oo Ka Walaacsan Somaliland

Siyaasi Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Cabdillaahi Darawal) ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Somaliland gaar ahaana murannada siyaasiga ah ee soo noqnoqday sida khilaafka Komishanka ee laba jirsaday.
Waxa uu intaas raaciyay inay Beesha Caalamka ee Somaliland taageertaa si weyn uga niyad-jabsan yihiin Muranadda taagan ee aan dhamaadka lahyn,waxaana uu ku taliyay in loo istaago sidii waddanka halkan uu joogo looga dhaqaajin lahaa.

“ Imika Dumuqraadiyadeenii wey fadhidaa,wey istaagtay. Haddii aynu u haysano uun mooyi marka Codka la dhiibanayo,haddii aynu taas u haysano wey qaldanahay.Dimuqraadiyadu waa Nidaam dhan oo aynu doonayno inay waddanka ku horumarino oo dadku ku kala badbaado oo Nin walba Xoriyadiisa ku helo” ayuu yidhi Cabdilaahi Darawal oo Magaaladda Hargaysa kaga qeyb-galayay Dood lagaga hadlayay Furdaaminta Muranka Saami-qeybsiga.

Dhinaca kalena waxa uu walaac ka muujiyay qabsoomidda Doorashooyinka Dalka waxaana uu yidhi

“ Golle shaqanayaa ma jiro, golle la dooranayaa ma jiro,Doorasho imanaysaa ma jirto, Afartii Nin ee Komishanka ayaynu ilaa intii isku haysanay” ayuu yidhi Cabdilaahi-Darawal

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.