Cabdicasiis Samaale Oo Ka Hadlay Hankiisa Musharaxnimo iyo Loolanka Kulmiye

0

Hargeysa(Sayruuq)- Wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa muddo kadib sheegay inuu u sharaxan yahay jagada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, xilli xoog loo dareemayo hirdanka siyaasadeed ee u dhexeeya Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi.

Cabdicasiis Samaale, waxa uu sheegay inuu ka mid yahay dadkii Madaxweyne Siilaanyo la aasaasay xisbiga Kulmiye, sidaasi darteedna uu yahay musharax marka madaxweyne Siilaanyo jagadaasi banneeyo. Waxa uu sheegay in Kulmiye ay isugu yimaadeen dad badan oo han siyaasadeed leh.

Cabdicasiis Samaale ayaa sidoo kale ka hadlay sababta uu saxaafadda uga muquurtay  tan iyo markii uu xukumadda Siilaanyo ka baxay, isagoo sheegay inuu diidan yahay inuu wax ka sheego xukumadda uu ka tirsanaa.

Waxa uu ku baaqay in Kulmiye uu ka dhaco tartan xalaal ah oo xor ah, kaasi oo cid walba oo han madaxweyne lehi iska soo dhex sharaxdo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.