“Cabdi Ilay Wuxuu Isku Dayay In Uu Baxsado,” Booliska

0
Dad Cabdi Iley Jeelka Kala Baxsanayay Oo La Xidhay

“Cabdi Ilay Wuxuu Isku Dayay In Uu Baxsado,” Booliska
Booliska Federaalka Itoobiya ayaa madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) ku eedeeyay in uu isku dayay in uu xabsiga ka baxsado laakiin, eedahaasi waxa dafiray Cabdi Ilay oo sheegay in magac dil iyo eedo hor leh loo aloosayo.

Booliska ayaa ku andacoonaya in markii Cabdi Ilay ka cawday maxaabiis lala xidhay oo dhib ku haysay iyo arrimo caafimaad darro lagu xidhay qol xafiis ah kadibna uu jabiyay daaqad si uu u baxsado. Waxa uu boolisku intaas ku daray in uu askari ilaalo ah waxyeelo gaadhsiiyay.

Hase ahaatee arrimahaasi waxa beeniyay Cabdi Ilay. Mr Ilay iyo xubnaha la xidhan oo maanta maxkamad la soo taagay ayaa dacwaddooda dib loo dhigay ilaa 29-ka bisha waana markii 5-aad ee dib loo dhigo tan iyo markii la xidhay bishii Ogos.

Waxa lagu eedeeyay in uu masuul ka ahaa qalalaasihii ka dhacay Jigjiga afartii Ogos 2018 inkasta oo markii hore la sheegaya in dhibaatooyin hore oo gobolka ka dhacay lagu eedeynayo. Lama oga sababta ilaa hadda booliska iyo xeer ilaalintu u dhammaystiri la yihiin dacwaddiisa oo ay hore baadhitaanno dheeraad ah u codsadeen.
Maxkamadda Oo Mar Kale Go’aan Ka Gaadhay Cabdi Ilay

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.